Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xaaladda taagan ee Soomaaliya

Publicerat fredag 29 december 2006 kl 17.41

Soo koobidda arimihii ugu dambeeyey ee ee sida dhacdooyinka Soomaaliya u saameeyeen soomaalida reer Iswidhan iyo fekerka siyaasadeed ee dalkan Iswidhan ka taaganyahay arimaha dhacaya ee soomaaliya

Xaaladda cusub ee Soomaaliya

Sidii aad la wada socoteen isbedel weyn ayaa labadii todobaad ee ugu dambeeyey ka dhacay dalka Soomaaliya gaar ahaan koonfurta Soomaaliya, isbedelkaas oo aan weli caga dhigan meel uu ku dambayndoonona aan cidina sidaas u saadaalin karin. Hadaba waxaannu halkan ku soo ururineenaa sadex dhinac oo arintaasi la xiriira oo kala ah. Sidee dalka Iswidhan oo sanadihii ugu dambeeyey ka mid ahaa dalalka sida gaarka ah ugu mashquulsanaa arimaha Soomaaliya kana mid ahaa wadamada midowga yurub u wakiishay arimaha Soomaaliya, tan labaad oo ah sida ay dadka soomaaliyeed ee ku nool dalkan Iswidhan u arkaan arimaha cusub ee ka dhacaya dalkoodii hooyo iyo weliba xaaladda dadka soomaali-iswidhishka ah ee ku sugan Soomaaliya gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Siyaasiyiinta dalkan Iswidhan ayaa uga hadlay si taxadir leh xaaladda cusub ee Soomaaliya sida Wasiirka arimaha debedda Carl Bild oo mar uu arintaa ka hadlayey tilmaamay in ay mar walba lagama maarmaan tahay in wixii la isku hayo lagu xalilo wada hadal, inkasta oo iminka ay rajada arintaasi yartahay, wuxuuna taabtay in ay nasiib xumo tahay in golaha ammaanku feker midaysan ka qaadan kari waayey sidii loo wajihi lahaa arintaasi, waxanuna rajayneeney in golaha amaanku uu feker midaysan ka soo saaro arinta laakiin iminka markii ay muuqato in golaha amaanka arinta ku kala aragti duwanyahay oo gacmaha ka xidhanyahay ayaa Midowga Yurub waxaa u banaan in uu buuxiyo kaalintaasi oo arinta qayb libaax ka cayaaro. Waxaase la isku wada raacsanyahay ayuu hadalkiisii ku sii daray Carl Bild in arinta wada hadal lagu soo dabaalo oo la abuuro jawi wada hadal marka hore, taasina ma fududa laakiin waa in ay noqotaa tan wax walba laga hor mariyo, waayo haddii kale ayuu yidhi waxaa iman karta arinta oo faraha ka baxda dhibaato aan la qiyaasi karinna geysata.

Dadka Soomaalida ah ee dalkan Iswidhan ku nool ayaa iyagu ka qaba fekrado kala duwan arinta cusub ee dalkooda hooyo, iyadoo ay dadweynuhu sidii u caadada ahayd 16kii sano ee laga  soo gudbey kala taageeraan kooxaha isku hayey siyaasadda dalka. Laakiin jawigan cusub ayaa ka duwan kuwii hore oo ay soomaalidu dhexdooda hadba dhinac isu cayrsan jireen maadaama ay meesha soo galeen ciidamada dalka Itoobiya, taas oo dareenka dadka wax weyn ka bedeshay, waxaana muuqata in dadka soomaaliyeed ee ku nool dalkan Iswidhan si kastaba ha u kala taageereen kooxaha soomaalida laakiin guud ahaan walaac ka muujinayaan soo gelitaanka ciidamada Itoobiya iyo sii joogistoodaba una arkaan in ay taasi tahay bahdilaad maanta ah iyo magac xumo mustaqbalka ah. C/qaadir Nuur oo ah Gudoomiyaha ururka isbahaysiga soomaalida ee dalkan Iswidhan oo arintaa ka hadlayey ayaa yidhi.

Sidii aad ku maqasheen barnaamijyadayadii todobaadkan dadka iyagu Soomaali-Iswidhishka ah ee ku sugan koonfurta Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa halkaasi ku xaniban oo qaar ay ka dheceen tigidhadii ay ku dhoofi lahayeen, dadkaas oo sheegay in qaar kamid ahi la xidhiidheen wasaaradda arimaha debedda ee Iswidhan iyo Safaaradda Iswidhan u fadhida dalkaasi keenya, ee qaabilsanna arimaha Soomaaliya, jawaabta ay ka heleenna ay noqotay in aaney haba yaraatee waxba ka caawin karin inta xaaladdu caynkaas tahay. Waxaa aannu markaas la xiriirnay safaaradda Iswidhan ee Nayroobi noona cadaysay in aaney iminka waxba ka caawin karin dadkaasi, ayna hore ugala taliyeen dadka in ay ka taxadiraan safarada koonfurta Soomaaliya bilihii la soo dhafay, laakiin ay la socdaan isbedelada dhacaya ayna wada shaqaynayaan wadamada kale ee EUda ee wadaniyiintu ka joogto dalkaasi iyo weliba kanada iyo Mareekanka dadkana ay caawin doonaan marka ugu horaysa ee ay u suuro gasho inta ka horaysana ay wixii talo ah oo ay awoodaan siinayaan dadka la soo xiriira waxana Inger Johansson oo oo ka mid ah masuuliyiinta safaaradda dadalkeedii ka mid ahaa.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".