Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Mona Sahlin oo sheegtey iney isku taagtey hogaaminta xisbiga Social-demokrat-ka

Publicerat torsdag 18 januari 2007 kl 16.28
Mohna Sahlin, hogaamiyaha cusub ee xisbiga Social-demokrat-ka

Xisbiga shaqaalaha dalkan Sweden ee Social-demokrat-ka ayaa haatan waxa uu yeeshey hogaamiye cusub kaasoo badali doono gudoomiyihi hore ee xisbigaasi ahaana ra’iisal wasaarahii hore ee dalkan Göran Persson.

Mona Sahlin oo baryahanba la hadalhayey iney tahay qofta ugu cad cad ee jagadan qaban doonta ayaa maanta shir jaraa’id ku qabatey mid kamid ah xarumaha xisbiga ee magaalada Stockholm ayey ku sheegtay iney diyaar u tahey hogaaminta xisbigan ka hor intaaney dhicin doorashada la filayo iney qabsoomaan bisha maarso ee fooda inugu soo heysa.

Mar ay ka hadleysey sababta ey jagadan u qabatay ayey sheegtey iney jeceshahey siyaasada islamarkaasina ay niyad u heyso iyadoo hoostana ka xariiqdey iney taageero uga baahan tahay guud ahaan xisbiga.

”Mudooyinkan dambe aad baan u fekerey anigoo isweydiiyey shaqsiyan waxaan u baahanahay ama aan awoodo hadaan taageero ka helo xisbiga” ayey tiri Mona oo muujineysa sidey ugu dhago nugushahay xilkan ay haatan isu taagtey qaadistiisa. ”Siyaasada waan jecelahey” ayey sii raacisey hadalkeeda.

Toddobaadka dambe ayaa lugu wadaa iney socdaalo ku tagto magaalooyin badan oo ku yaala dalkan Isweden kuwaasoo ay ka raadineyso taageero si ay xisbigan u hogaamiso, balse waxey ku hormari doontaa gobolka Malmö oo ah caasimada.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".