Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Cashuurta gawaarida farasmagaalaha Istockholm

La daabacay fredag 27 juli 2007 kl 11.06

Muddo ey iminka ka dhiman tahey dhowr maalmood waa maalinta Arbacada ee 1-da bisha Agoosto bilaaban doonta cashuurta gawaarida soo gasha ama ka baxda faras magaalaha Istockholm.

Cashuurtan gawaarida oo la joogteeyey wixii maalintaa ka dambeeysa, ayaa waxyaabaha ku cusub dhowr arrimmood oo ey ka mid yihiin in lagu waajibiyey cashuurtaa haddey noqon lahaayeen tagaasida, gawaarida loo yaqaan färdstjäns ee qaada dadka da’da ama curyaannada, islamarkaana ka fasaxaya cashuurtaa gawaarida ku socota shidaalka aan cimilada wax u dhimin.

Qiimaha cashuurta iyo xilliga la qaado ayaan waxba iska bedelin.

Waxaa kaloo iyaduna ku cusub in aan loo baahney qafiskii yaraa ee muraayadda hore ee gaariga la suri jirey loona yaqiin transponder.

Waxa keliya ee loo baahan yaheyna tahey in la furto koontada lacagta ee loo yaqaan autogiro, taasina oo ku lammaanan raqamka gaariga.

Gawaarida aaney cashuurtaasi qaban

Gaadiidka bulshada ee la raaco

Gawaarida gargaarka deg degga

-          caafimaadka

-          boliiska

-          dabdemiska iwm

Gawaarida dibloomaasiyiinta

Gawaarida ciidamada

Mootooyinka

Basaska wixii ka culus 14 000 oo kg.

Gawaarida ka diiwaangashan dal kale

Gawaarida waaweyn ee culus

Gawaarida heyadda waddooyinka iwm.

Gawaarida u diiwaangashan curyaamiinta

Laga soo xigtey: Vägverket

Sidoo kaleeto gawaarida u socota ama ka timaada degmada Lidingö, waa haddii ey muddo 30 daqiiqadood ka yar ey u dhaxeyso kolka ey soo galaan xarunta cashuurta ugu horreysa illa inta ey ka baxayaan nawaaxigaa.

Xilliga cashuurta la waajibiyey iyo qiimaha

Saacadda       Isniinta illaa iyo Jimcada                  Qiimaha

06:30-06:59                                                                  10 kr

07:00-07:29                                                                  15 kr

07:30-08:29                                                                  20 kr

08:30-08:59                                                                  15 kr

09:00-15:29                                                                  10 kr

15:30-15:59                                                                  15 kr

16:00-17:29                                                                  20 kr

17:30-17:59                                                                  15 kr

18:00-18:29                                                                  10 kr

Laga soo xigtey: Vägverket

Habka lacagta loo bixin karo

* Khaanadda lacagta ee Autogiro:  Si toos ah ayaa loola baxayaa

* Dudaamada  Pressbyrån iyo 7-Eleven

* In aad ka bixiso aaladda Internet-ka

* Sidoo kale inaad ka bixiso bankiga qudhiisa, iyo adigoo u maraya Internet-ka

OBS: Haddii gaarigu yahey mid shirkad leedahey, ku socoto ama aad ku timaado howl adiga iyo gaarigaaga. Cashuurta aad bixiso waa mid aad dalban kareyso xilliga xisaab xirka ee sannadku dhammaado.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".