Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/

Ingemar Bergman

La daabacay fredag 3 augusti 2007 kl 18.10

Ingemar Bergman wuxuu ka mid ahaa dadyoowga fara ku tiriska ee ku caan baxey adduunweynaha ee ka soo jeeda dalkan Iswiidhen, kolka laga hadleyo dhanka filimmada iyo riwaayadaha.

Howlahaasina oo ku muteystey abaalmarrinno dhowr ah, Haddey noqon lahaayeen abaalmarinta loo yaqaano ”Oscar-ka” ama tan ”Kaan” ee lagu abaalmariyo filimada.

Waxaa markii ugu horreysey uu ku caan baxey filinkiisii loogu magac darey ”Jungfru källan” ee 1960. Kaasina oo uu ku muteystey biladda abaalmarinta ee Oscar-ka.

Sannadihii lixdameeyadii ayuu soo saarey aflaam ey dadyoowga xiiseeya filimmadu ku tilmaamaan kuwo aad wax ku ool ugu ah taariikhda aflaamta, inkasta oo dad badanina u arkaan iney adag tahey in aflaamtiisa la fahmo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".