Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Soo galootiga iyo hooy la’aanta

La daabacay torsdag 4 oktober 2007 kl 16.27

Waxaa dalka Iswiidhen muddooyinkan dambe aad u soo badanaya qaxootiga dalka magangelyo doonka ku yimaada, middaasi oo caqabad ku noqotey heyadda socdaalka sidii ey hooy ku filan ugu heli laheyd dadyoowgaa.

Sida xaaladdu iminka tahey waxaa soo galootiga qaarkii la dejiyaa goobo ku meel gaar ah sida goobaha lagu magacaabo motell iyo varndrarhem.

Degamada Söderhamn, ee carriga Hälsingland kana tirsan gobolka Gävleborg, waxaa iminka ku sugan ugu yaraan 70 soo galooti oo aan heysan hooy joogta ah ee ey ku noolaadaan.

Dadkaa waxaa ka mid ah Bermam Emyr Ezyz, ee ka soo jeeda dalka Ciraaq islamarkaana ku dhaqan hotel vandrarhem ah ee u dhaxeeya magaalooyinka Söderhamn och Bollnäs.

- Waa meel aad u qurux badan, qabow. Dadkuna aad u wanaagsan yihiin, inkasta oo aan jeclaan lahaa inaan qol keligey yeesho haddana waxba kama qabo saddexda ruux ee aan la deggenahey,  sida uu sheegey Bermam Emyr Ezyz, waayo waxaan ogahey culeyska waeyn ee la xiriira soogalootiga ee saaran dalka Iswiidhen.

- Dalka Ciraaq waa mdi aad u burburey oo aan ammaan laheyn, sida uu sheegey ermam Emyr Ezyz.

Agaasimaha guud ee heyadda Socdaalka Dan Eliasson, ayaa sheegey in xaaladdu aad u cakiran tahey.

- Guriyihii aan ugu talagalney badankood wey buuxaan. Waa in la helo hooy intaa ka badan si aan u qaabilo sannadka inta ka dhiman, sida uu sheegey Dan Eliasson, agaasimaha guud ee heyadda socdaalka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".