Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Soomaalida iyo is dhexgalka

La daabacay torsdag 4 oktober 2007 kl 16.29
Kulan ka dhacey aqalka ummadda ee xaafadda Rinkeby

Dadyoowga ajnabiga ee dalkan socdaalka ku yimaada sida ey qabaan iswiidhishku waa la soo dhoweyn, hase yeeshee waa iney diyaar u ahaadaan sidey bulshada ey u yimaadeen ula qabsan lahaayeen ama ugu dhex milmi lahaayeen.

Ereyadaasi waxaa sheegey caalinka la yiraahdo Orlando Mella, ee ka howl gala jaamicadda Uppsala, mar uu ka hadlayey baaritaan ama heer kul cabbir lagu sameeyey sida Iswiidhsihku u arkaan ajnabiga.

Waxyaabaha lagu ogaadey warbixintaa ayey ka mid ahaayeen in iswiidhishku aaney waxba ka qabin soo galootiga balse qaar badani jeclaan lahaayeen amaba qabaan in xijaabka laga mamnuuco iskuulaadka iyo goobaha shaqada.

Baarliin Nuur, oo ah xubin aad u firfircoon ee ururka dhallinyarada muslimiinta ee Ung muslim, ayaa middaa ku tilmaantey fikir qaldan.

Sidoo kale waxaa warbixintaa ku caddaatey in ajnabiga qaarkii ama kooxo ka mid ah ajnabiga ey kaga adagtahey ama aaneyba u suurtagelyn dhaqan ahaan iney la qabsadaan hab-nololeedka dalka, sida uu noo sheegey Orlando Mella.

- Middaasina sida ey ila tahey oo ku xiran masaafadda dhaqan ee u dhaxeysa bulshada laga hadleyo iyo iswiidhishka.

- Waxaa arrinkaa saameyn badan ku yeelan kara habka ey saxaafaddu sawir uga bixiso, dhacdooyin taariikhiya iyo wixii la mid ah.

Arrimmahaasi oo dhamina waxey saameyn ku yeelan karaan fikirka uu shakhsiga iswiidhishku ka qabo ajnabiga.

- Hase yeeshee si aan ku ogaano xaqiiqda waxa ka dambeeya waa in la sameeyo baaritaanno kuwaa ka ballaaran.

Maxaa dhaliya in matalan dadyoowga loo yaqaan Roowmiga ama horey loo oran jirey Siigaanka loo arko kuwo aad uga dhaqan fog Iswiidhishka.

Hoowshaasina waa mid u baahan wareysiyo lala yeesho labada dhinacba ee Iswiidhsihka iyo Roowmiga.

Sidaasi waxaa sheegey caalinka magaciisa la yiraahdo Orlando Mella, soona bandhigey warbixin lagu cabireyey heerkulka dadka iswiidhishka iyo aragtida ey ka qabaan Ajnabiga.

Bulshada Soomaalida ee ku dhaqan Iswiidhen ayaa lagu tiriyaa kuwo aan la qabsan karin ama ey ku adag tahey sidii ey bulshada ku dhexgeli lahaayeen, oo ey ula sameyn lahaayeen waxa loo yaqaan, fal-gal ama Integration-ka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".