Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Soomaalida Iswiidhen iyo Minneapolis

La daabacay torsdag 4 oktober 2007 kl 16.32
Wafdi isugu jir soomaali iyo mareykan ee ka soo baqooley carriga Mareykanka

Is bar-bar dhig lagu sameeyey Soomaalida ku dhaqan carriga Minapolis iyo kuwa ku dhaqan Iswiidhen ayuu, sheegey caalinka la yiraahdo Benny Carlsson, oo ka qorey buug. Iney jiraan waxyaabo ey ka mideysan yihiin.

Sidoo kalena ey aad ugu kala duwan yihiin. 

- Waa marka hore’e Soomaalida ku dhaqan Mineapolis waxey u hoydaan goobihii ey boqol sannadood horteed degennaayeen Iswiidhishkii ka qaxey dalka ee u baqooley carriga mareykanka, sida ey soomaaliduba iminka u qaxdo.

- Iyo midda labaad Mineapolis oo lagu tilmaamo iney hab-bulshadeedka maamulka carrigaasi yahey mid ku dhow kan Scandanevian-ka, maadaama ey dad badani ee ku nool ka soo jeedaan waddammada dhaca waqooyiga Yurub.

Benny Carlsson, ayaa sheegey mar uu ka qeyb qaadanayey kulan ey xaafadda Rinkeby ku qabtaan wafdi soomaali iyo mareykan isugu jira ee dalkan booqasho ku yimid si ey u muujiyaan nolosha soomaalida ku dhaqan Mineapolis iyo sawirka qalafsan ee laga heysto soomaalida ku dhaqan dalkan gaar ahaan iyo waddammada ey jaarka yihiin.

Halkaasina oo uu baaritaan uu sameeyey ku caddeeyey iney jiraan farqi aad u ballaaran ee jaaliyadaha soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minesoota, gaar ahaan Mineapolis iyo kuwa Iswiidhen.

- Farqiga ugu weyn wuxuu yahey in soomaalida carrigaa ku dhaqan ey yihiin kuwo mideysan, is abaabuley, islamarkaana danahooda iyagu u taagan, ee aaney cid kale matalin.

- Halka uu dalkan ka jiro nidaam dadka xannaaneeya ee u fekero. Midkaasina oo ka dhigaya waxa loo yaqaan Passiv. Sida uu baaritaankiisa ku ogaadey Benny Carlsson, ee warbixin buug ah ka qorey farqiga u dhaxeeya soomaalida Iswiidhen iyo kuwa gobolka Minesoota, qaasatan magaalada Mineapolis.

Tirada soomaalida ku dhaqan Iswiidhen iyo kuwa Mineapolis ayaa ah tiro is le’eg, islamarkaana u soo qaxdey goobahaasi badankood  wixii ka dambeeyey intii uu bilowdey dagaalkii ee sokeeye.

Tirada shirkadleyda soomaaliyeed ee Mineapolis iyo Iswiidhen ayaa ah kuwo aan leys barbar dhigi karin ee aad u kala sarreysa. 800 oo shirkadood iyo 40 sida ey u kala horreeyaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".