Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Macnaha Demoqoraadiyad

La daabacay onsdag 10 oktober 2007 kl 15.27

Isbedello ballaaran ayaa ka dhacey adduunweynaha wixii ka dambeeyey burburkii gidaarkii kala faqooqi jirey waddammadii horey loo oran jirey Jarmalka Galbeed iyo kan Bari.

Rajo aad u ballaaran ayey dad badani ka qabeen in adduunweynaha uu u bishey waa cusub.

Rajadaa ayaan dhaboobin.

Waxaa iminka muuqata in nidaamkii Dimoqoraadiyaddu ku jiro dib u gurasho.

Marxaladda uu dalkan mareyo ayey doodi ka socotaa xaqul qoowlka.

Ma la oran karaa wixii la doono?

Ma loo coddeyn karaa ciddii la doono?

Wax walba ma lagu kaftami karaa?

Idaacadda leyska daawado ee SVT, ayaa bilowdey wixii laga soo bilaabo axaddii ina dhaaftey barnaamijyo la xiriira mabda’a Dimoqoraadiyadda oo ey ka wada qeyb qaadanayaan telefishanno madax bannaan ee 38 gaareya kuna kala baahsan adduunweynha.

Kuwaasina oo socon doona todab cisho.

Barnaamijyadaa waxaa loogu magac darey ”Varför Demokrati - Sababta maxey tahey dimoqoraadiyadda”.

Ibrahim, Amanda, Liban waxey ka mid yihiin ardeyda dugsiga hoose dhexe ee Tallbehov, mar ey fikirkooda ka dhiibanayeen eryga Demoqoraadiyad, ama talo wadaagga sida ey u arkaan ama ula muuqdo.

Dhallaankaa oo aan wareysi ugu tagney xarunta Iskuulkaa ee degmada Järfälla ayaa ereyadoodii waxaa ka mid ahaa:

- Mabda’a Dimoqoraadiyadda ama tala wadaagga wuxuu iila muuqdaa mid wanaagsan maadaama uu ruuxu ku cabireyo dareenkiisa si xorriyad leh.

- Waa mabda’a ey bulshadu go’aanka ku qeybsaneyso. Shakhsi walba wuxuu xaq u

leeyahey fikirkiisa inuu soo bandhigo, aaneyna dhibaato middaa kala soo gudboonaan.

Waana muhiim in bulashadu dhammaanteed u fekertaa hab wanaagsan.

Haddii bulshada inteeda badan ey qaataan ama u hamiyaan mabda’a kala sarreynta waxaa haddaba qaladamaya fikirkii dimoqoraadiyadda.

- Fikirka aan wanaagsaneyn ee cid kale waxyeeleynaya waa inuu shakhsiga qabaa calooshiisa ku heystaa.

- Mabda’a talo wadaaggu waa masuuliyad ruux walba saaran inuu ka fekero cidda uu

masuuliyaddeeda u doonaneyo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".