Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Wararka toddobaadka

Publicerat fredag 23 november 2007 kl 12.49

Dawladda Iswiidhen ayaa toddobaadkan soo bandhigtey qorshe ka kooban 56 qodob oo ey uga dan leedahey sidey uga hortegi laheyd dhibaatada jir dilka iyo dulliyeynta loo geysto dheddigga.

Kullan loo qabtey saxaafadda ee ka dhacey xarunta baarlamanka ee dalkan Iswiidhen ayaa lagu lagu sheegey in ey dawladdu u qoondeysey dhaqaale gaareya 800 oo malyuun oo koronka Iswiidhishka ah.

Mar ey soo bandhigayeen kulankaa wasiirro dhowr ah oo ey ka mid ahaayeen wasiirka is dhexgalka iyo sinnaanta, Nyamko Sabuni, wasiirka shuruucda Piatrice Ask, ayey ku sheegeen in amuurtani tahey mid  ka go’an dawladda sidii wax looga qaban lahaa.

- Hoowshani waxey bilaabatey wakhti dambe , sida ey sheegtey gabar aan ugu magac darney Malin oo dhibaatooyin badani ka soo mareen dilka ey raggu kula dhaqmaan haweenka.

Maalinta Axadda bishuna tahey 25-ka bisha Noveember ayaa ku aadan maalinta caalamiga ah ee ka hortagga dilka haweenkla iyo hablaha.

Salaasadii ayaa bam lagu weerayey aqalka ey degen tahey xeerilaaliye, middaasina oo loo eedeyneyo ururrada xag jirka ah ee lagu magacaabo MC-gäng.

Qaraxa ka dhacey aqalka xeerilaaliyadda ayaa sida wararku sheegayaan aan la sheegin iney cidi ku dhaawacantey.

Xeerilaaliyaha guud Fredrik Wersäll, ayaa booqasho ugu socdaaley magaalada Trollhättan oo uu falkaasi ka dhacey, kuna taala galbeedka Iswiidhen

Dood khilaaf u dhaxeeyo ayaa ka bilaabatey xisbiyada ku bahoobey dawladda, sidii ey go’aan uga gaari lahaayeen siyaasadda la xiriirta baaxadda dhaqaalaha la siin doono waalidiinta doorata iney dhallaankooda guryaha klu heystaan inta aaney u buuxsamin saddex sannadood, middaasina oo hirgeli doonta horraanta sannadka foodda innagu soo haya.

Arrinkaasi ayaa ka mid ahaa ballaanqaadyadii xisbiga Kristen Demokrat-ka intii ey socotey doorashadii awoodda dalka ee sannadkii tagey 2006.

Xisbiga Shacabka ee Folkpartiet, ayaa qaba in aaney lacagtaasi ka badnaan 3000 oo koron, iyada oo aan loo aaba yeeleyn tirada ilmaha ee waalidku hooygooda ku hayaan.

Waaxaa wanaagsan in aannu arrinkani noqon mid sababi karta in mushaar ahaan laga dhigto, keentana in guryaha leyska fariisto.

Dhaqaalahaasi waa in aannu ka badnaan 3000 oo koron, sida uu sheegey Johan Pehrson, ahna xubin xisbiga Shacabka ee Folkpartiet ugu jirta baarlamanka.

Xisbiga Kristen Demokrat-ku sheegey in middaasi tahey cadaalad darro, islamarkaana loo baahan yahey in ilma kastaayi lahaadaan 3000.

Caalamka waxaa la soo wajahan dhibaato dhanka cimilada, haddii aaney dawladdaha caalamku sida ugu dhakhsiyaha badan xoogga isugu geyn sidey wax uga qaban lahaayeen wasakheynta cimilada.

Arrimmahaasi ayey ku caddaayeen warbixin ka soo baxdey heyadda qaramada Midoowdey ee la soo bandhigey, sabtidii ina soo dhaaftey taariikhduna aheyd 17- Noveember.

- Keliya waxaa wax looga qaban karaa xaaladdaasi iyada oo dawladaha caalamku xoogga isu geeyaan, sida uu sheegey hogaamiyaha heyadda qaramada Midoobey Ban Ki Moon, isaga oo ka hadlayey goobtii lagu soo bandhigey warbixintaa.

Warbixintan ayaa aheyd tii afareed ee heyaddu soo bandhigto. Iyada oo dhammaadka sannadkan Magaalada Baali ey dawladdaha caalamku isugu iman doonaan, sidey uga doodi lahaayeen halka uu ku dambeyn doono heshiiskii cimilada ee Koyota.

Su’aasha meesha taaliyi waxey noqon doontaa, habkee ayaa lagu gaari doonaa dhimidda wasakheynta cimilada?, ma in la kordhiyo warshadaha quwadda korontada ee Atoomikada.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".