Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dood dhallinyaro dalka ku cusub

Publicerat måndag 18 februari 2008 kl 11.46
1 av 2
Dhallinyaro soomaaliyeed
2 av 2
Saciid Maxamed Cabdillaahi

Dagaalka sokooye ee soomaaliya harreeyey 17-kii sannadood ee ugu dambeeysey islamarkaana ey ku bara kaceen soomaali malayiin kor u dhaafeysa, qaarbadanina qaxootinimada ku sugan yihiin ayaa sannadkii tagey ee 2007 wuxuu sababey iney dalkan magangelyo ku soo galaan soomaali tiradoodu kor u dhaafeyso 3 300, isuguna jira dhallaan, waayeel, dhallinyaro , haween iyo ragba.

Qaxootiga soomaliyeed ee dalkan magangelyada u yimid ayaa ku jira kaalinta labaad ee tirada qaxootiga, halka ey kaalinta koowaad ku sugan yihiin qaxootiga ka soo barakacey dalka Ciraaq.

Haddaba waxaan booqasho ku tagney magaalada goob ey ku sugan yihiin dhallinyaro soomaliyeed ee ku cusub dalka.

- Fellingsbro waxey ku taalaa ama ka tirsan tahey gobolka Närke ee caasimaddiisu tahey magaalada Örebro.

Dadyoowgii goobtaasi aan kula kullaney ee isugu jirtey dhallainyaro ka kala timid deegaanno kala duwan ee dalkii hooyo, ayaan markii ugu horreysey dhex dhigney dood la xiriirta sababta dhalisey iney guri nabad ku wada joogaan, halka weliba sida ey noo shegeen aaney midaasi suurtagal noqon laheyn haddey dhulkoodii hooyo ku sugnaan lahaayen. 

Aan ugu soo hormariyo Saciid iyo waceys.

- Waxaa laga yaabaa in aan dhammaanteen is wada beddelo. Waa riyo ka mid ah

riyooyinka dhallinyaradaasi ey qabaan qaarkood.

Sidoo kale waxaa iyaguna jira riyo ama rajooyin ku aadan mustaqbalka dhallinyaradaa. Maxey middaana ka yiraahdeen. Waa Mahad, Saciid iyo Waceys iyo mar kale.

- Hal baan lahaa adduunyo hal baan lahaa. Hashii horor baa la tagey iyo Axmed Naaji.

Bulsha weynta soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Iswiidhen ayaa tiro ahaan lagu qiyaasaa 20 illaa iyo afartan kun. Kuwaasina oo qaar badani dalkan ku yimaadeen maganti qaxootinimo.

Ereyada iminka foodda idinku soo haya ayaa na xasuusineya qaar ka mid ah dhibaatooyinka la soo gudboonaada qaasatan ragga kolka ey dalka ku cusub yihiin.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".