Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

CODKA

Publicerat fredag 13 mars 2009 kl 12.13
Baarlamka Iswiidhen oo dood ey ka dhaceyso.

Burcadbadeedda iyo mariineeska Iswiidhen

Baarlamanka dalkan Iswiidhen ayaa khamiistii, bishuna ku beegneyd 12-ka maarso go’aan ku gaarey in ciidamo mariinees ah loo diro carriga gacanka cadmeed iyo xeebaha badweynta Hindiya. Kuwaasina oo ka qeyb qaadan doona la dagaalanka burcad badeedda.

Ciidanka ayaa ka mid noqon doona mashruuc ey ka qeyb qaadanayaan waddammada xubnaha ka ah ururka midowga Yurub ee lagu magacaabo ”Howlgalka Atlanta”. Midkaasina oo bilowday dhammaadkii sannadkii tagay ee 2008.

Howlgalkan ayaa looga gol leeyahay in burcadda laga badbaadiyo maraakiibta sidda kaalmada cunno ee ey heyadda Qaramada midoowdey u fidiso soomaalida tabaaleeysan.

Howlgalkan ayaa bilaaban doona bilaha hore ee sannadka, iyadoona ey ka qeyb qaadan doonaan saddex maraakiib ee kuwa dagaalka iyo shaqaalahooda oo gaaraya 160 ruux.

Sidoo kale waxaa ey xubnaha baarlamaanku go’aan ku gaareen in ciidankaa la kordhin karo lana gaarsiin karo ugu badnaan 450 haddii xaaladdu sidaa ka sii xumaato loona baahdo daadgureyn. Go’aankaasina oo baarlamanku dubbaha ku dhuftay Khamiistii, waa 12-kii bishii maarso.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".