Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
somaliska delegation besöker Sverige

Wasiirka cadaalada KMG oo yimid Iswidhan

La daabacay tisdag 14 juli 2009 kl 13.10
Somali Justice Minister in Sweden foto: Ikram Hassan

 

Wasiirka cadaaladda dowlada KMG ah Sheekh C/raxmaan Maxamuud Faarax Janaqow ayaa wefdi uu hogaaminayo soo gaaray magaalada Stockholm oo ah xarrunta dalkan Iswidhan. Socdaalka Janaqow ayaa waxaa ku weheliya xilidhaabanada Ugaas Axmed Bile iyo Xildhibaan Daahir Maxamud Geelle.

Janow oo u warameyey idaacada caalamiga ah ee Radiyo Iswidhan ayaa sheegay in ujeeda socdaalkiisa tahay siddii ay u wargelin lahaayeen dhibaatada kooxaha Al- shabaab kala dhaxeyso.

 

Wasiirka cadaaladda dowlada KMG ah Sheekh C/raxmaan Maxamuud Faarax Janaqow ayaa wefdi uu hogaaminayo soo gaaray magaalada Stockholm oo ah xarrunta dalkan Iswidhan. Socdaalka Janaqow ayaa waxaa ku weheliya xilidhaabanada Ugaas Axmed Bile iyo Xildhibaan Daahir Maxamud Geelle. Janow oo u warameyey idaacada caalamiga ah ee Radiyo Iswidhan ayaa sheegay in ujeeda socdaalkooda tahay siddii ay u wargelin lahaayeen dhibaatada kooxaha Al- shabaab kala dhaxeyso.

” Ujeedada aan u imid halkan ayaa waxey tahay siddii dowlada Iswidhan iyo jaaliyada soomaalida u wargelin lahaa xaalada guud ee dalka iyo siddii carruurta ay Shabaab marin habaabiyeen wax looga qaban lahaa” ayuu yiri Janaqow oo intaas ku daray in socdaal ku mari doono dalalka Iskaadaneefiyanka uu sheegay in madaxweynaha dowlada KMG ah lahaa fikrada socdaalkooda qaarada islamarkaasina martiqaad ka helay. Janaqow waxa kale uu sheegay in marka uu dhamaado kulamada ay layeelanayaa jaaliyadaha soomaalida Iswidhan ay wasaarada arrimaha dibada dalkan mas’uuliyiinteeda la kulmi doonaan.

Maanta oo talaado ah ayey wefdiga wasiirka kula kulmi doonaan jaaliyada soomaalida magaalada Stockholm halkaasoo ugu warami doono xaaladaha cakarin ee dalku marayo.

 Warkan iyo wararka kale ee ku saabsan booqashada wefdiga dowlada waxaad ka dhageysan doonta barnaamijyadeena soo socda haddii Eebbo idmo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".