Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
EU-ordförandeskapet Stockholms programet

Wasiiro midowga Yurub ah oo ku kulmaya Stockholm

La daabacay onsdag 15 juli 2009 kl 16.03
Beatrice Ask iyo Tobias Billström wasiirada cadaalada iyo socdaalka Foto Bertil Ericson / Scanpix

Maanta ayaa magaalada Stockholm oo ah xarunta dalkan Iswidhan waxaa ku kulmaya wasiirada arrimaha gudaha iyo cadaalada iyadoo arrimo badan oo dalalkaasi quseeya ay kaga hadli doonan barnaamijka loogu magac darray Stockholmsmässan ee tuulada Alsjö. Arrimmaha ay wasiirada isla gorfeynayaan ayaa waxaa ka mid ah la dagaalanka dembiyada iyo siyaasada soo galootiga.

Maanta ayaa magaalada Stockholm oo ah xarunta dalkan Iswidhan waxaa ku kulmaya wasiirada arrimaha gudaha iyo cadaalada Midowga Yurub iyadoo arrimo badan oo dalalkaasi quseeya ay kaga hadli doonan barnaamijka loogu magac darray Stockholmsmässan ee tuulada Alsjö. Arrimmaha ay wasiirada isla gorfeynayaan ayaa waxaa ka mid ah la dagaalanka dembiyada iyo siyaasada soo galootiga.

Wasiirka arrimaha socdaalka dalkan Tobias Billström waxa uu sheegay iney jiraan qoddobada la xirriira socdaalka iyo soogalootiga iney tahay mid mihiim ah oo ay isla eeggi doonaan gudiga midowga Yurub.

” Iswidhan markii hore si waadix ah ayey u sheegtay iney jiraan su’aalo muhiim ah oo la xirriira dhinac wasiirada cadaalada, tusaale ahaan ka ganacsiga bani’aadamka taasoo ah su’aasha ugu sare ee ahmiyeeda leh.Balse mida diirada aan saarayo waxaa weeye mida aan anigu masuulkeeda ahay barnaamijka ku saabsan su’aalaha magangalyo doonka, su’aalaha iyo nidaamka wadajir ahaaneed oo iyadana ah mid muhiim ah”

Su’aalaha la xirriira inta dowlada Iswidhan heyso hogaanka midowga Yurub ayaa ah siddii sidoo loo sameyn lahaa barnaamij sharciga waafaqasan oo iskaashi ah muddo shan sanno ah qaadanaya oo dalalka xubnaha ka ah EU-da ay yeelanayaan. Kuwaas oo noqon doono siddii loola dagaalami lahaa dembiyada iyo siyaasada magangalyo doonka quseeya.

Cahdiga haatan loogu magacdaray barnaamijka Stockholm ayaa wuxuu badali doona, barnaamijkii Heege. Arrintaasina waxaa carabaabay wasiirada cadaalada Beatrice Ask.

” Tani waa weel ay ka buuxaan su’aalo la xirriira iskaashiga sharciyadeed, sida ay boolisku wadajir u howlgali lahaayeen isdhaafsiga warbixineed loona helo rug wadashaqeysa”

Dowlada Sweden ayaa muddada ay heyso xillka hogaamiyenimo ee midowga Yurub ee ay bishan hogaankeeda qabatay xooga saari doonta arrimaha muhiimada u leh dalalkaasi bah wadaagta ah taasoo ay dhinacyo badan oo iskaashi ah iyo kulamo heer wasiiro yeelan doona qaarkoodna ay maalmihii tagay ay yeesheen.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".