Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
föräldrapenning och influeansa

Waalidiinta oo la siin doono gunno sababo la xirriira hargabka doofaradda

La daabacay onsdag 22 juli 2009 kl 12.49
föräldrapenning och influeansa Foto: Henrik Montgomery / SCANPIX

 Waalidiinta dalkan ayaa la qorshaneynaa in la siiyo gunno qidmad lacag ah oo ku meel gaa ah haddii ay dhacdo in la xirro iskuulada iyo xarrumaha xanaanada carruurta sababo la xirriira cudurka hargabka doorafada, taasina waxey iman kartaa oo keliya marka xirista iskuulada ay go’aan ka gaaraan dhaqaatiirta. Arrintaas oo noqon karta mid ku cad qasnada ceymiska ee Försäkringskassan qiimeynta caafimaad ee ay sameyso ee loo yaqaano VABBA oo marka afka soomaaliga loo badalo noqoneysa (xanaaneynta carruurta xanuunsan).

 Berit Sjödin oo ah madaxa u qaabilsan xagga amniga  xafiiska qasnada ceymiska ee Försäkringskassan ayaa tilmaantay in qorsha arrintani noqon karto qoraal riwaayadeed tii ugu cusleyd ee laga fekero.

Arrintani ma ahan mid ay misna go’aan ka gaari karaan kamuunada ama maamulayaasha iskuulada xirista iskuulada iyo dagisyada sababo la xirriira shaqaalaha oo jirada ama cudurkaasi ku dhaco, mana muuqato mid ay damanaad ka bixin karaan kamuunada sida ay arrintan u xalin karaan.

 Ninka lugu magacaabo Claes Bertilson oo ah xogheynta warfaafinta maamulka caafimaad ee gobolada iyo degmooyinka ee dalkana waxa uu sheegay isagoo u waramaya idaacada caalamiga ah ee Radiyo Iswidhan in degmo kasta ay xor u tahay sida ay u xalin laheyd dhibaatada iyo arrimaha xanaanada carruurta.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".