Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
somalisk fotbollsturnering i Spånga

Ciyaaraha kubadda cagta soomaalida oo Stockholm ka furmay

La daabacay måndag 20 juli 2009 kl 13.22
Ciyaaraha soomaalida oo Stockholm ka furmay

Magaalada Stockholm oo xarrun ah dalkan Iswidhan ayaa toddobaadkan horaantiisa waxaa ka furmay tartankii sanad laha ahaa kubada cagta soomaalida ku dhaqan qaaradan Yurub.

Ciyaarahan oo si qurux badan ku bilowday ayaa ugu horeyn waxaa halkaasi heeso guubaano ah ka qaaday fanaanadii Luul Jeylaani Xaliimo C/lle Boolay iyo dhalinta reer Stockholm kuwaasoo soo bandhigay fan aad loola dhacay. Ugu horeyn waxaa halkaasi  ka hadlay gudoomiye ku xigeenka xirriirka kubadda cagta soomaaliyeed Axmed Nuur Xasan C/lle, waxaana uu sheegay in xirriirku isku day in labadda urrur ee soomaalida xagga isboortaga u qaabiilsan mideeyo ay noqotay mid lugu guul darrastay taasina uu cudur daar ka bixiyey sababihii ugu soo qeybgali waayey ciyaarahan, balse haatan haddii ay mid noqdeen ay tahay arrin farxad leh.

Macalin Xuseen oo kamid ah culimada soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladan oo isagana halkaasi ka soo jeediyey darsin muxaarado ah oo dhalinyarada quseysa ayaa sheegay in caqliga fiyow uu ku jiro jirfiyow taasoo ah buu yiri mid jirka u baahan yahay dhaq dhaqaaqa.

Dhinaca kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Bashiir Jenyo oo ahaa ciyaaryahan ka tirsanaan jiray xulkii Qaranka ee Soomaaliya ayaa isagoo ka hadlaya sida dhiniciisa uga qeyb qaatay in kooxaha qaban qaabiyey ciyaarahan ay mid u ahaan lahaayeen halkii ay labo kooxood oo isku meel wax u wada ahaayeen qilaafna uu muddo dheer ka taagnaa ugu dambeyntiina lugu guuleystay isagoo tusaale u soo qaatay oo yiri labada kooxood waxaa ay kala wateen S-T-da oo shanta xaraf ee magaca Sport ka kooban yahay, taasoo markii la isku keenay noqday SPORT.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".