Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qoys soomaliyeed oo ku dhintay dab ka dhacay Rinkeby

La daabacay söndag 26 juli 2009 kl 17.21
Mid kamid ah guryihii gubtay Foto: Fredrik Sandberg / SCANPIX

Habeenimadii axada soo galeysay ayaa xaafada Rinkeby oo ka tirsan degmooyinka magaalada Stockholm oo xarrun u ah dalkan Iswidhan ka dhacday musiibad dab ah oo ay ku dhinteen qoys soomaaliyeed oo tiradooda dhameyd 5 ruux.

Dabkan ayaa la sheegay inuu ka kacay mid kamid ah dabaqyada hoose dhismo ka kooban lix dabaq, kaasoo la runsan yahay in dabku uu ku fiday dabaq kale oo ka tirsan lixdaasi. Hase ahaa geeridda qoyskan soomaaliyeed ayaa timid markii hooyada carruurta dabkaasi ku dhintay dhashay ay isku dayeen iney ka dagaan salamka ama jaranjarada dabaqa shanaad oo ay daganaayeen, halkaasoo qaacii dabkaasi xooga lihi uu helay. Carruurta geeriyootay ayaa ahaa dhamaantood kuwa yar yar, kan ugu yar ee carruurtaasi ku jira ayaa  ahaa 11 jir.

Dabdemiska goobtaasi soo gaaray ayaa sheegay in lix qof oo suuxsan ay ka qaadeen jaran jarada sideed kamid ah dadkaasi loo qaaday isbtaalada ku yaala magaalada Stockholm. Ilmo yar yar oo ka tirsan qoyskaas ayaa la sheegay inuu dhaawac soo gaaray kadib markii uu baaqi ku ahaaday guriga.

Si kastaaba ahaate ilaa iyo iminka ma cada sida uu dabkan ku bilowday hase ahaatee booliska ayaa wada baaritaan ay ku xaqiijinayaan waxa dabkaasi dhaliyey. Balse aabaha iyo labo wiil oo uu dhalay ee ka soo haray qosykii geeriyooday ayaa haatan aad u murugeysan waxaana ay dareemayaan in garabkooda banaaday. Dadweyne soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladan ayaa wjiyadooda laftooda laga dareemayey murugo iyo sida ay ugu naxsan yihiin dhibka dhacay

Aabaha ay qoyskiisa waxyeelada soo gaartay oo u waramayey laanta Afka- soomaaliga ee Raadiyo Sweden waxa uu sheegay iney aheyd musiibo Rabaani ah oo mudan in loogu samro Allihii keenay.

Warbixinta amuurtan ayaad ku dhageysan doontaan idaacadeena qeybaheeda dambe haddii Eebbe raali ka noqdo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".