Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Många somalier är ledsna

Soomaalida oo ka murugoodatay musiibada dhacday

Publicerat måndag 27 juli 2009 kl 17.05

Dadweynaha soomaaliyeed ee xaafada Rinkeby ayaa siyaalo kala duwan uga hadlay musiibaddii dabka ee ka dhacday xaafada Rinkeby, kuwaasoo iskugu jiray dadka deegaanka iyo kuwo u yimid iney daawadaan ciyaaraha xagaaga kubada cagta soomaalida oo weli ka socda Stockholm. Islamarkaasna u diray baroor diiq qoyskii musiibadan ku habsatay. Sidoo kale mid taas lamid ah waxaa diray isagoo ku sugan magaalada Stockholm fanaanka weyn ee Xasan Aadan Samatar. 

Dadkaas waxaa kamid ah Najma Aadan, C/risaaq Cabdulqaadir iyo qaar kale oo goob joogeyaal ka ahaa ah markuu dabkaasi dhacay. Qaar kamid ah dadkaasi ayaa xaalad naxdin leh ku jira, maleysana kari waayey in dhib noocan ah mar qura qoys kuwada dhiman karaan, halka qaar kale weli suuqa dhexdiisa taagan yihiin oo ay isweydiinayaa waxa dhacay iyagoo ka murugeysan qoyska soomaaliyeed ee mar qura lix qof ka geeriyootay.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".