Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Försvarsministern besökte Rinkeby

Wasiirka Gaashaandhiga oo booqday Rinkeby

La daabacay tisdag 28 juli 2009 kl 11.54
Wasiirka Gaashaandhiga oo booqday Rinkeby Foto Britta Pedersen / SCANPIX

Wasiirka Gaashaandhigga dalkan Iswidhan Sten Tolgfors ayaa booqasho ku tagay xaafadda Rinkeby ee ku taala waqooyi galbeed ee magaalada Stockholm, halkaasoo uu dareenkiisa ku muujinayey sida uga xun yahay musiibada ka dhacday xaafadaasi islamarkaasina uu la kulmay aabihii soomaaliyeed ee qoyskiisa ku waayey dabkaasi.
”Waa mid aad u weyn oo laga damqado waxaana sheegay iney u tahay musiibo dhamaan dalka oo dhan. Mana jirto qoys kamid ah dalkeena oo aysan si qoto dheer u taaban dhac-da’dan”

Wasiirka waxaa kale oo booqday goobtii dabka dhacay iyo iskuuladdii ay gabdhahaasi soomaaliyeed ee ku dhintay musiibaddii dabka ay dhigan jireen.

” Waa dareen aad u culus inaan taagnaado goob ay naftooda ku waayeen dhalinyarro, islamarkaasina ay tahay goob ay musiibo ka dhacday"

Ilaa iyo iminka lama oga waxa sababay dabkaasi ka kacay guriyo ka kooban dabaqyo oo sababay geerida qoys soomaaliyeed, hase ahaatee sida uu carabka ku dhiftay Christer Änghof oo ah ku xigeenka waaxda dab demiska ee Stockholm, waxaa baaritaan xagga farsamada ah oo lugu wadaa si loo hello xaqiiqda dhabta ah ee dabkaasi dhaliyey.

”Ilaa xad waxaa gubtay guriyahaasi, taasina waxey adkeyneysaa inaan ogaano sababta dhalisay dabka, balse waxaan ku rajo weynahay inaan sida ugu dhaqsaha badan ogaano sababta dhalisay dabkaas” ayuu yiri Christer Änghof.

Dadweyne aad u farro badan ayaa joogay suuqa weyn ee ku yaala Rinkeby Torget xilligii wasiirka booqashada halkaas ku joogay.

”Dadkoo dhami waa wada murugeysan yihiin, waxaana ay ka hadlayaan hooyadaasi iyo gabdhaheedii, aqoon badana uma aanan laheyn inkastoo aanu isku wadan ka nimid, hadana waxey leeyihiin qiimaha qoyskeyga oo kale waana ka xumahay” ayuu yiri Tunni C/karim oo kamid ah dadkii joogay suuqa Rinkeby.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".