Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Kommuner tar emot ensamkommande flykting barn

Sweden oo ay ku soo badanayaa carruurta keligood socda

La daabacay torsdag 30 juli 2009 kl 15.54
Wiil soomaaliyeed oo sugaya in degmo qaabisho Foto: Fredrik Persson / Scanpix

Iyadoo carruurta keligood ah ee magangalyo doonka ahi ee imanaya dalkan ay soo badanayaan ayaa hadana waxaa jirta in sadex meelood hal meel oo kamid degmooyinka dalkan ogolaadeen iney carruurtaasi meeleeyaan.

Toddobaadkii hore oo keliya ayaa dalkan waxaa yimid lixdan iyo afar carruur ah oo keligood ah  waalidkoodkana la socon. Laanta socdaalka Sweden ee Migrationsverket-ka ayaa dhinacooda arka in tirada wiilasha da'da yar ee keligood socda ee ka soo qaxay dagaalada ka socda Soomaaliya iyo Afgaanistaan ay soo badaneyso.

Carruurta yar yar qaxootiga ah ee ku soo qul qulaya dalkan ayaaney ku filneyn in laantu socdaalka heshiis ay la gasho maamulka degmooyinka dalkan si booosas loogu helo, sidaas daraadeed ayaa haatan waxaa dhowraya in degmooyinkaasi qaabilaan carruur tiradoodu gaareyso 250.

Dab Eliasasson oo ka tirsan laanta socdaalka dalkan oo u waramayey wargeyska maalinle ah ee DN (Dagens Nyheter) in dhowr degmooyin ay u baahan yihiin iney heshiish ah iney sida ugu haboon ay carruurtaasi keligood socodka ahi ku qaabili lahaayeen.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".