Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Miljarder satsas mot arbetslöshet

Miisaaniyadda iyo Shaqa la'aanta

La daabacay onsdag 26 augusti 2009 kl 13.17
Hogaamiyeyaasha afarta xisbi ee haya maamulka dalka. Foto: Pontus Lundahl/Scanpix.

Maamulka dawladda Iswiidhen ayaa maanta soo bandhigey qorshahooda ku aadan la dagaalanka ama sidii gacan looga geeysan lahaa shaqa la'aanta. Ammuurtaasina oo la sheegey in loo qoondeeyey dhaqaale gaarsiisan 8,4 milyaard ee koronka iswiidhishka.

Qorshahan ayey soo bandhigeen maanta hoggaamada afarta urur ee gacanta ku haya awoodda dalka, mar ey ka hadlayeen qaar ka mid ah goobaha dugsiyada sare ee ku yaala magaalada Istockholm. Dhaqaalahan ayaa ka mid ah miisaaniyadda foodda innagu soo heeysa ee dawladdu soo bandhigi doonto dhowaantan, middaasina oo la sheegey in xisbiyada afarta ahi go'aan ku wada gaareen. 4,5 milyaard ee lacagtaa ka mid ah, waxaa loo qoondeeyey in lagu maalgeliyo goobo tacliin loogu tala galey dadyoowga ey shaqa la'aantu asiibtey sanooyinka labada sannadood ee foodda innagu soo heeysa ee 2010 iyo 2011. Halka 3,9 milyaardina loogu tala galey u abuuridda shaqo ee dadyoowga muddada dheer ka maqnaa suuqa shaqada 54 kun oo boos. Sidoo kale waxaa kor loo qaadey 600 oo malyuun miisaaniyadda heydda xafiiska shaqa raadinta ee (arbetsförmedling). Ma garan karno, ayuu yiri madaxa dawladda ee dalkan Iswiidhen, mar uu ka jawaabayey su'aal la xiriirtey in dawladdiisu u aragto in dhaqaalahan liita laga bixi doono, maadaama ey dhaqaale u qoondooyeen labada sannadood ee foodda innagu soo haya. - Lama ogaan karo. Heyadda saadaalinta ee dhaqaalahu waxey kor u qaadey saadaalinta miisaaniyadda sannadka foodda innagu soo haya. Marka annagu waxaan ka tallaabo qaadeynaa oo keliya warbixinta aan markaa heymno. Sida uu sheegey Fredrik Reinfeldt.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".