Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hargabka doofaarka

La daabacay måndag 31 augusti 2009 kl 11.31
Daawada Tamiflu ee hargabka doofaarka

Nin jira da' u dhaxeeysa 30 illaa iyo 40 ee magaalada Uppsala ayaa markii ugu horreysey dalkan la tuhunsan yahey inuu u geeriyoodey hargabka doofaarka, sida uu sheegey Björn Ragnarsson ahna ku simaha isbitaal ku yaala magaalada Uppsala.

Saamiyo ayaa laga qaadey marxuumka, kadib kolkii ey soo baxdey shaki ah inuu u xanuunsanaa hargabka doofaarka, iyadoona sida uu sheegey maamulka isbitaalku la fileyo in berito jawaab sugan laga helo saamiyadaa. Marxuumka ayaa gurigiisa ku geeriyoodey, kamana aanu mid aheeyn bukaanka isbitaalka lagu daryeelayey.

Daawada hargabka doofaarka

Biloowga sannadka foodda innagu soo haya ee 2010, ayey dhici doonaan ugu yaraan bar keeydka dalkan ee xilliga la isticmaali karo daawada hargabka doofaarka ee Tamiflu, iyadoona muddadaa lagu jiro xilligii uu hargabkaasi bulshada faraha kulul ku hayey. Hase yeeshee daawadaasi la isticmaali kari doono kolka uu xilligeedu dhaco.

Isticmaalka daawada Tamiflu kadib kolka uu xilligeedu dhaco, ayaa haddii ey bulshada qaarkeed ku xanuunsato in masuuliyadda magdhowga ey dawladdu dusha u ridan doonto eyna kala wareegi doonto shirkadda daawada Tamiflu soo saarta, middaasina macnaheedu tahey in ey miisaaniyadda dawladda ku soo kordhi doonto kharash hor leh, ama daawadaa lagu bedelo mid cusub, iyadoona la qiyaaseyo inuu ku bixi doono dhaqaale gaareysa 100 malyuun oo koronka iswiidhishka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".