Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
ALLIANSEN FYLLDE 5 ÅR OCH M-STÄMMAN

5-sannadood oo Alliansen buuxiyey

La daabacay måndag 31 augusti 2009 kl 12.05
Hogaamiyaha xisbiga Mudaraat-ka Reinfeldt oo kulan sannadeedka ka hadlaya:

Aaxddii bishuna aheeyd 30-ka agoosto ayey shan sannadood u buuxsantay dhismihii ururka isutagga afarta xisbi ee haya awoodda dalka, halkaasoona ey markii ugu horreysey magaalada Högfors kulan ku yeesheen guriga gabadha hogaamisa xisbiga dhexe (Centerka) Maud Olofsson. Sannad guuradan ayaa ku soo beegantey xiritaankii kulan sannadeedkii xisbiga midigta ee Mudaraat-ka kuna qabsoomey magaalada Västerås.

Sannad guuradan ayaa ku soo beegantey xiritaankii kulan sannadeedkii xisbiga midigta ee Mudaraat-ka kuna qabsoomey magaalada Västerås.

Sannad guuradan ayaa ku soo beegantey xiritaankii kulan sannadeedkii xisbiga midigta ee Mudaraat-ka kuna qabsoomey magaalada Västerås.

Kulan sannadeedkaasina oo ey ka soo baxeen laguna ansixiyey go’aamo ey ka mid yihiin:

In xisbiga Mudaraat-ku u sacaba tumayo dhismaha warshadaha quwadda korontada ee Nukliyeerka kuwo hor leh. (hase yeeshee ey heshiis middaa ka wada gaaraan marka hore xisbiyada ey isku bahda yihiin).

In aan laga dhimin lacag maalmeedka la siiyo mudadda ey sharciga sugayaan soo galootiga go’aansada iney degaan xaafadaha ey ajaaniibta iyo shaqa la’aantuba ku badan yihiin.

In loo fududeeyo ruuxa shaqo dalka ku heeysta ee sharci-laawaha ah siintao sharci deggenaansho, halkii uu dalkiisii hooyo dib ugu noqon lahaa si uu sharci degenaansho halkaa dib uga soo dalbado.

In dib ruuxa loogala noqon karo dhalashada dalka ee la siiyey, haddii ey soo baxdo inuu beenabuur ku heley.

In lagu xoojiyo sharciga xuquuqda bukaanka ballanqaadista daryeelka caafimaad.

In dalka oo dhan laga simo shuruuc lagu xaddideyo daawooyink iyo qalabka gargaarka.

In la abuuro heeyad hoowsheedu tahey is barbar dhigga tayada dareeylka caafimaadka.

In aan isbedel lagu sameeyn xeerka suuqa shaqada iyo masuuliyadda dhinacyadaa.

In la baabiyo cashuurta loo yaqaan Värnskatten.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".