Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Sverige har fått sitt första dödsfall i svininfluensa

Geeri uu sababey hargabka doofaarka

La daabacay tisdag 1 september 2009 kl 10.51
Qariidad sida uu hargabku dalka ugu faafayo.

Dalkan Iswiidhen ayuu ku geeriyoodey markii ugu horreeysey ruux qaba hargabka doofaarka, kadib shaley fiidnimadii oo ey soo baxdey jawaab la xiriirta saami laga qaadey marxuum 37 jir ah kuna noolaa nawaaxiga Uppsala.

Marxuumkaasina oo ku geeriyoodey gurigiisa dhammaadkii toddobaadkii ina dhaafey.

Staffan Sylvan oo ah dhakhtar kaga hoowlgala magaalada Uppsala ka hortagga cudurrada faafa, ayaa sheegey inuu si dhakhsiya u geeriyoodey marxuumku.

Sidoo kale heyadda Maamulka Bulshada ee Socialstyrelse ayaa ku soo saartey 16 luqadood oo ey ku hadlaan dadyoowga asal ahaan ka soo jeeda dalka dibaddiisa, warbixinno la xiriira ka hortagga hargabka doofaarka.

Wixii ka horreeyey biloowgii furitaanka iskuulaadka ayey heyaddu tabeeleyaal ku dhajisey dhammaan xarrummaha degmooyinka sida ku cad war laga soo xigtey madaxa waaxda warfaafinta ee heyadda Maria Gåste. Goobaha bukaan socodka iyo isbitaaladda ayaa iyaguna sidoo kale warbixinno noocaasiya ku dhajiyey xarrummahooda. Kuwaasina oo ey ku caddaayeen talooyin la xiriira ka hortagga hargabka iyo tallaabooyinka loo baahan yahey in la qaado haddii ruuxu isaga shakiyo calaamadaha hargabka iyo nadaafadda.

In lagu dadaalo nadaafadda gacmaha.

In lagu qufaco xagasha gacanta.

In guryaha la joogo, haddii ruuxu isaga shakiyo astaamaha hargabka doofaarka.

Haddii aad xiiseeneeyso warar intaa ka badan ee ku qoran afka iswiidhishka waxaad ka daalacan kareeysaa bogga internetka: www.krisinformation.se. 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".