Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
EU Hektisk månad

Hoggaanka EU-da iyo maamulka dalka

La daabacay onsdag 2 september 2009 kl 16.31
Hoowlo culus oo horyaala Fredrik Reinfeldt, madaxa dawladda Iswiidhen.Foto: Bertil Ericson/Scanpix.

Dalka Iswiidhen oo haya kaalinta maamulka hoggaanka ururka EU-da, ayaa codeeynta ka dhici doonta dalka Irland natiijadiisu ka mid tahey hoowlaha ugu waaweeyn ee sugaya.

Muddo iminka ey bil ka harsan tahey waa 2-da bisha oktoober ayey bulshaweeynta dalka Irland u dareeri doonaan sidey ugu coddeeyn lahaayeen qaadashada ama diidmada qaanuun la damacsan yahey haddii ey cod kalsooniya siiyaan in lagu dhaqo dhammaan 27-ka dal ee xubnaha ka ah ururka midowga Yurub.

Dalka Irland ayaa ah dalka Keliya ee shacbigiisu horey ugu coddeeyeen diidmo hadda ka hor. Sidoo kale marka laga reebo dalka Jecka oo baarlamanku ansixiyey hase yeeshee uu dhiman yahey saxiixii madaxweeynaha, uuna ku xirey in marka hore la sugo halka ey ku dambeeyso codeeynta Irland. Dalka Jarmalka ayaa isaguna si loo ansixiyo loo baahan yahey in wax laga badalo qaanuunka dalkaa, iyadoona middaa lagu talo jiro.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".