Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
LÅNGTIDSSJUKSKRIVNA

Xaaladda dadyoowga ku qoran jirrada dheer

La daabacay lördag 5 september 2009 kl 15.08
Sven Otto Littorin, wasiirka shaqada.

Laga bilaabo biloowga sannadka foodda innagu soo haya ee 2009 ayaa sida dawladdu horey go'aan ugu gaadhey ey dibadda ku soo dhici doonaan dadyoow tiradoodu gaarsiisan tahey 50 000 oo ruux, kuwaasina oo horey ugu diiwaan gashanaa xannuun dheer, inkastoo hadda dawladdu u qoondeeysey dhaqaalihii ey ku noolaan lahaayeen xilligaa dabadiis.

Miisaaniyadda xilliga deyrat ayaa loo qoondeeyey dhaqaale loogu talagaley dadkaa, kaasina oo gaarsiisan 17 milyaard ee sannooyinka foodda innagu soo haya, sida uu sheegey Sven Otto Littorin, wasiirka shaqada ee dalka Iswiidhen. - Maamulka dawladdu wuxuu xoogga saarayaa dadyoowga ku diiwaangashan jiradda dheer, waxa loo yaqaan (Låntidssjukskrivna), kuwaasina caafimaadkoodu ka wanaagsan yahey iney jirro ku qorraadaan, islamarkaana aan hoowlgeli karin xannuun aawgiis. Kolka uu dadyoowgaa ka dhammaadop xilliga ey xannuunka dheer ku qoran yihiin ayaan loo cusbooneeysiin doonin, balse la siin doonaa si ey u noolaadaan mushaar gaarsiisan inta u dhaxeeysa 223 illaa 680 koron maalintii, iyadoo xaaladdoodana dib si dhab ah loogu baari doono.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".