Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Oppositionen samlar sig inför valet

Abaabulka Xisbiyada mucaaradka

La daabacay måndag 7 september 2009 kl 12.14
Hogaamiyeyaasha saddexda xisbbi ee mucaaradka. Foto: Fredrik Persson/Scanpix.

Beerta boqorka oo dhacda farasmagaalaha Istockholm ayey saddexda xisbi ee mucaaradku ku qabteen maalintii axadda bishuna aheeyd lixdii septeembar kulan lagu magacaabey isu diyaarinta doorashada ee axadda.

Kulankaa oo isugu jirey qudbado iyo muusik, ayaa fikirka ugu weeyn ee lagu soo gudbiyey goobtaa wuxuu ahaa in bulshada la tuso isku duubnida saddexda xisbi ee mucaaradka, sannad ka hor inta aaney dhicin doorashada awoodda dalka ee 2010.

Hogaamiyeyaashii xisbiyada ee goobta ka hadley ayey ugu horreeysey Mona Sahlin, hogaamiyaha xisbiga Socialdemokrat-ka.

- Dalka Iswiidhen wuxuu ahaan jirey dal lagu daydo, haddey noqon laheeyd dhanka cadaaladda, sinnaanta ragga iyo haweenka. Iminka waxaa dalka lagu maamulaa siyaasad ah in cashuurta mushaarooyinka la dhimo, shaqa la’aanta oo aad u sarreeysa marka loo barbar dhigo waddammada xubnaha ka ah ururka midowga Yurub.

Iswiidhen wuxuu xaq u leeyahey siyaasad ku dhisan wanaagga bulshada, ee aan u daneeneeyn oo keliya tujaarta, ahna 10%. Waana siyaasadda aan horboodeeyno, sida ey sheegtey Mona Sahlin.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".