Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.
Tio miljarder till kommunerna

Dhaqaale loo qoondeeyey degmooyinka

La daabacay måndag 7 september 2009 kl 16.39
Miisaaniyad lagu kaabayo degmooyinka iyo gobollada. Foto: Claudio Bresciani/Scanpix.

Dawladda dalka ayaa u qoondeeysey degmooyinka miisaaniyadda sannadka foodda innagu soo haya ee 2010-ka, dhaqaale dheeriya ee gaarsiisan 10 milyaard ee koronka iswiidhishka.

Miisaaniyaddan ayaa toddoba milyaard ee ka mid ah loo qoondeeyey degmooyinka, halka saddexda kalena loogu talo galey heyad goboleedka, iyadoona loo jaangooyn doono si is le’eg degmo iyo gobol kasta tirada bulshada ku dhaqan nawaaxigaa.

Marka laga yimaado 10-ka milyaard ee dawladdu u qoondeeysey maamullada degmooyinka iyo gobollada ee sannadka 2010, ayaa sidoo kale sababo la xiriira talaalka hargabka doofaarka lagu kabey miisaaniyaddooda sannadka 2009 hal milyaard oo koronka iswiidhishka ah.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".