Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Reinfeildt i Sydafrika

Reinfeldt oo Koonfur Afrika gaaray

La daabacay fredag 11 september 2009 kl 11.35
Ra'iisal wasaare Reinfeldt iyo Jocab Suma oo salaan sharaf qaadanaya Foto: Schalk Van Zuydam AP

Ra’iisal wasaaraha dalkan Sweden Fredrik Reinfeldt ayaa gaaray dalka Koonfur Afrika halkaasoo shir heer sare ah kula yeelan doono madaxweynaha dalkaasi Jacob Suma, arrimaha ay kamid yihiin isbadalka cimilada dunida ayaa qeyb ka ah waxyaabaha ay ka hadli doonaan labada  madax. Kulan looga hadlayo isbadalka cimilada ee Qaramada Midoobey ayaa isna ka dhici doona magaalada Kobengahen ee dalkaasi Denmark.

Ra’iisal wasaaraha waxa uu rajo ka qabaa kulanka uu la qaadan doono madaxda dalkaasi Koonfur Afrika iney iyagana cadaadis ku saari doonaan dalalka ay kamid yihiin Shiinaha, Baraasiil iyo Meksiko si ay u dhimaan qaaca ay hawada u dirayaan. Kulankooda ayaa lugu wadaa iney ka soo baxaan arrimo badan oo ku saabsan siddii loo kaalmeyn lahaa dalalka 130 dal ah ee dunnida ugu saboolsan si loo dhimo isbadalka cimilada ee dunida ku soo kordheysa.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".