Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.
Invandrare kvinnor och mikrolån

Haweenka ajnabiga iyo amaahda mikrolån

La daabacay fredag 11 september 2009 kl 11.46
Amaahda mikrolån iyo dumarka ajnabiga ah Foto: Claudio Bresciani / SCANPIX

Wasiiradda manaafacaadka dalkan Maud Olofsson ayaa maanta magaalada Karineholm ka furtay machadka maalgelinta Mikro barnaamij loogu magac daray amaahda mikrolån taasoo fursadu siineysa in haweenka ajnabiga ah ka faa’iideystaan si ay u abuurtaan meherado u gaar ah.

Sidoo kale EU-da ayaa iyadana barnaamijkan ku taagereysa dhaqaale gaaraya 3,5 miljan oo karoonka swidhish-ka ah, sodoo kale bankiga sparbank ayaa isagana lacag raasmaal ah ku biirin doona 5 malyan oo karoonka ah.
”Hanaanka lugu qaadanayo lacagtaasi mirkolån ayaa meelo badan oo dunida kamid ah laga isticmaala, waana mid loogu daneynayo haweenka doonaya iney sameystaan meherado u gaar ah, dalkana waa ka jira” sidaasi waxaa tiri joyce Kimwanga Lundin oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Tansaniya arrimahana qibrad u leh.

Dalkan Sweden waxaa jira haween badan oo ajanabi ah kuwaasoo aysan suuragal u noqon iney suuqa shaqada ka dhex muuqdaan islamarkaasina aan awoodin in banki ka amaahdaan wax lacag ah.

 Shabakada la yiraahdo Entreprenörer oo ah shabakad ay ku jiraan dadka laga tirada badan marka magaceeda la soo gaabsho loo yaqaano NEEM, ayaa mashruuca howshan lugu fulinayo ay heshay adduun gaaraya 3,5 malyan oo karoonka Swedhish-ka ah si loo dar dargeliyo howshan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".