Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dowladda iyo qaxootiga suuqa shaqada

La daabacay fredag 11 september 2009 kl 15.42
Sabuni oo soo bandhigtay qorshaha cusub ee suuqa shaqada dadka cusubi ula qabsan lahaayeen foto: Bertil Ericson -Scanpix

Wasiiradda sinaanta iyo is dhexgalka dalkan Sweden Niyamko Sabuni ayaa soo bandhigtay qorshaha cusub ee dowladdu ku dooneyso siddii ay dadka ku cusub wadankan ay ula qabsan lahaayeen suuqa shaqada. Waxaana  maanta ay gelinkii hore kaga hadashay arrimahaasi shir jaraa’id oo ay qabatay.

Dowladda iyadoo adeegsaneysa xafiiska shaqada ayey la wareegi doontaa mas’uuliyadda dadka wadanka ku cusub ee u baahan iney suuqa shaqada la qabsadaan, taasoo degmooyinkuna ay gacan ka geysanayaan. Qorshan ayaa waxaa kaloo kamid ah in shaqo wax qabad wanagasan leh qofkii qabta la siinn doono gunno, mana ahan mid saameyn kale ku yeeleyneysa dhaqaalihiisa kale ee shaqsiyaadka barnaamijkan ka qeyb qadanaya.

Sabuni waxaa ay sheegtay in degmo kasta ay mas’uul ka saaran tahay siddii ay ugu hagi laheyd dadka sharciga ka koobnaanayo. Dadkuna waa iney ogyihiin bey tiri demoqraadiyadda macnaheeda, sinaanta iyo ixitiraamka guud ee dadka ka dhaxeeya iyo in dadku wada siman yahay ee aaney kala qiimo badneyn.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".