Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
MEHDI GEZALI FÖRHÖRS AV PAKISTANS UNDERRÄTTELSETJÄNST

Mehdi Gezali oo lugu qabtay Bakistaan

La daabacay måndag 14 september 2009 kl 11.09
Mehdi Gezali oo la tuhunsan yahay Foto:Maja Suslin/Scanpix

Mahdi Gezali oo ahaa muwaadin heysta dhalashada dalkan Sweden kana mid ahaa boqolaalkii qof ee lugu soo qabtay xadka Bakistaan markii duulaanka Mareykanka ku qaaday Afgaanistaan sanadkii 2001-da kuna xirnaa xabsigga Guantanamo Bay, ayaa markale lugu qabtay dalkaasi Bakistaan toddobaadkii hore.

Wasaaradda arrimaha dibadda Sweden weli warkaasi ku saabsan qabashada Gezali iyo labo ruux o kale iyagana heysta dhalashada wadankan iney kamid yihiin dadka dalkaasi lugu qabtay xaqiiqdiisa sooma gaarin. Hase ahaatee wasiirka arrimaha dibadda Bakistaan ayaa u xaqiijiyey arrintaasi suxufiyiin halkaasi ku sugan. Dowlada dalkaasi ayaa ku eedeyneysa Gezali inuu doonayey inuu la kulmo kooxo xag jir ah oo dalkaasi ku sugan. Gezali laftiisa waxa uu sheegay inuu halkaasi u tagay inuu ka qeyb qaato kacdoon diimeed oo dalkaasi ka jira.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".