Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Nobel Pris

Abaamarinta biladda Nobel-ka ee caafimaadka

La daabacay onsdag 7 oktober 2009 kl 15.23
Ada Yonath, Venkatraman Ramakrishnan och Thomas Steitz delar på priset. Foto: Michael Marsland/Yale University/Micheline Pelletier/Corbis samt Scanpix. Montage: SR.
Ada Yonath, Venkatraman Ramakrishnan iyo Thomas Steitz, aqoonyahanno ku guuleeystey abaalmarinta biladda Nobel-ka ee Kimisteriga. Sawirka waxaa isa saarsaarey: SR.

Maalintii Isniinta oo bisha tahay shanta Oktoober ayaa lagu dhawaaqayaa cidda lagu abaalmarinayo biladda Nobeel ee maadada caafimaadka ama Mediciinka.


- Biladda abaalmarinta Nobel-ka ee cilmiga caafimaadka ayaa sannadka 2009 loo aqoonsadey in la gudoonsiiyo Elizabeth Blackburn (Australien), Carol Greider iyo Jack Shostak labaduna u dhasheen mareeykan.

Iyadoona sabab looga dhigey iney ku guuleeysteen helitaanka su'aal ka mid ah su'aalaha ugu muhiimsan ee noolaha, iyo sida koromosoomyada maadooyin ku jiraa u difaacaan jiritaankooda kolka unuggu qeeybsamayo.

- Biladda abaalmarinta ee Nobel-ka maadadiisa Fiisikada ee sannadkan 2009, loo aqoonsadey in la guddoonsiiyo culimo aasaaska u taagtey laba qeeybood oo kaalin weeyn kaga jirta bulshada isgaarsiinta casriga ee iminka.

Charles Kaw, Asal ahaan ka soo jeeda dalka shiinaha heeystana dhalashada Ingiriiska iyo Mareeykanka, isagoona abaalmarinta uu bar leeyahey, maadaama uu soo saarey nuddada xiriirka ee Optikada. Waana midda suurtagelisey isugudbinta informationka ee Internät.

Barka kale ee abaalmarinta Nobel-ka Fiiskida ayey qeeybsan doonaan culimada Willard Boyle iyo George Smith, oo labudaba yahiin muwaadiniin mareeykan ah. Abaalmarintaa ayaa lagu macneeyey iney markii ugu horreysey ogaadeen waxa lagu magacaabo CCD-ee aaladda sahamisa maaddo ama isbedel. Waa habka la isticmaalo ee sawirka, iyadoona laga kaaftoomey baniikolkii la istcmaali jirey loona gudbey habka digital-ka.

Culimada kala ah Ada Yonath oo u dhalatey dalka Israa'iil,  iyo labada caalin ee mareeykanka Thomas Steitz och Venkatraman Ramakrishnan, ayaa abaalmarinta biladda Nobel-ka ee Kemisteriga waxey ku heleen ka guulgaaridda "baaqa dahsoon ee DNA-gu ku suurtogeliyo Nolol" .

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".