Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Pappaledighet

Fasaxa aabbenimada loo qaato

La daabacay torsdag 8 oktober 2009 kl 12.01

Wax weyn ayaa iska badaley tobankii sannadood ee ugu danbeeyey, shirkadaha waaweyn ee dalkaan iyo fikirradda ay ka qabaan fasaxa aabbeyaashu u qaataan caruurtooda  ,oo dalkaan looga yaqaano "papaledighet".

Sidaas waxaa lagu cadeeyey baaris cusub oo uu qorey wargeyska maalinlaha ah ee "svenska dagbaladet".

Maanta boqolkiiba afar kaliya oo shirkadahaas ka mid ah, ayaa mucaarad ku ah fasaxaas aabbenimada loo qaato, meesha dhanka kale saddexdii shirkadoodba mid ka mid ahi, wax aad u wanaagsan u arkaan fasaxaas.

Taas oo muujineysa in wax weyni iska badaleen marka loo barbardhigo sidii markii hore laga aaminsanaa arrinkaas.

Aqlabiyad xoog leh ayaa si toos ah ama si dadban u taageersan arrinkaas.

Fasaxaas waalidiinta loogu talagaley waxaa badanaa qaata dumarka ,kuwaas oo qiyaastii qaata shan meeloodoo  afar.

Aabbeyaasha soomaaliyeed oo iyagu dalkaan dagan ayaa dabcan ka mid ah dadka ka faa'iideysta fasaxyadaas aabbenimada loo qaato.

Fikradaan hadda laga hadlayo oo ah in aabbuhu  caruurtiisa awgeed fasax u qaato  ma ahayn wax dalkeenii soomaaliya ka jirey ,laakiin aabbeyaal badan oo dalkaan dagan ayaa arrintaas la qabsadey.

Waxaana ka mid ah Cabdifitaax Cali Nuur oo aan arrintaan wareysi kala yeelaney. Cabdifitaax waa dhawr iyo soddon jir,ka shaqeeya Boostada,xilliga hadda ahna ku gudajira fasaxa aabbenimada.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".