Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Svininfluensan

Tallaalka hargabka doofaarka

La daabacay torsdag 8 oktober 2009 kl 12.29

Jimcada, taariikhduna ku beegan tahey sagaalka bisha Oktoober, waxaa dalka soo gaari doona markii ugu horreeysey daawada tallaalka ee hargabka Doofaarka, waxa loo yaqaanop hargabka cusub.

Iyadoona wixii ka dambeeya ey heeyad goboleedka Landistinget bilaabi doonta hoowlgalkii talaalkaa, sida ku cad war laga soo xigtey ururka gobollada iyo degmooyinka ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano SKL.

Hoowlaha tallaalka ayaa loogu hormarin doonaa haweenka uurka leh, shaqaalaha goobaha caafimaadka iyo dadyoowga qaba cudurrada aan dawoobin, halistana ugu jira inuu hargabkaasi dhibaateeyo haddey qaadaan. Wixii intaa ka dambeeyana la talaali doono bulshada inteeda kaleeto.

Xilligii deeyrta ayey qaar ka mid ah shacbiweeynaha dalku sheegeen in 70% ey diyaar u yihiin iney tallaalkaa qaataan, inkastoo wixii mudadaa ka dambeeysey uu faafidda hargabku hoos u dhacey, kana yaraadey sidii horey looga cabsida qabey, sida uu sheegey Åke Örtqvist, ahna dhakhtar ka hoowlgala heyadda ka hortagga cudurrada faafa ee gobolka Istockholm.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".