Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Sverige borta från VM

Tartanka kubbadda cagta 2010-ka

La daabacay torsdag 15 oktober 2009 kl 10.20

Xulka qaranka kubadda cagta ee dalkaan sweden, ayaan ka qaybgali doonin oo ka harey tartanka cayaaraha kubadda cagta adduunka ee lagu wado in sanadka soo socda ee 2010-ka uu ka dhacdo dalka Koonfur Afrika .

Waxaa kaloo iscasiley tababarihii xulka qaranka kubadda cagta ee dalkaan Sweden Lars Lagerbäck, maadaama uu horey u balanqaadey in uu iscasilayo hadii kooxdiisa Sweden laga riixo ka qaybgalka cayaaraha adduunka ee ka dhici doona dalka Koonfur Afrika sanadka soo socda.

Denmark iyo Portugal ayaa ka soo baxay qaybtii ay kooxda Sweden ka mid aheyd .

Cayaartii ugu danbeysey ee xulka qaranka dalkaani cayaaro wuxuu la cayaarey dalka Albania ,oo ay Sweden ugu xoogsheegatey 4 gool, halka Albaniyana ay dhalisey hal gool oo agoon ah, guushaasina wax weyn uma tarin xulka Sweden siiba ka qaybgalka cayaaraha adduunka ee 2010-ka.

Portugal ayaa iyadu u soo baxdey cayaaraha adduunka, ka dib markeey si xarago leh ugu xoog sheegatey 4 gool iyo 0 xulka qaranka dalka Malta.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".