Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Sony Ericsson förlust

Shirkadda Sony Ericsson oo khasaartey

La daabacay fredag 16 oktober 2009 kl 12.22
Mobiltelefon från Sony Ericsson. Foto: Jonas Ekströmer/Scanpix.

Shirkadda Sony Ericsson oo iyadu taleefoonadda sameeysa ayaa si weyn u khasaartey afartii bilood ee la soo dhaafey,khasaarahaas oo dhan 2 bilyan oo karoon, una dhigma 199 milyan oo euro.

Sanadkii hore isla waqtigaan waxay shirkaddaani khasaartey 23 milyan oo euro kaliya.

Waxaa aad hoos ugu dhacay gadashadii uu adduunku gadanayey moobiiladda,waxayna Sony Ericsson hoos u dhacaas ku qiyaastey in uu dhan yahay boqolkiiba toban.

Sony Ericsson waxay iibisaa boqolkiiba shan moobiiladda adduunka laga iibsado guud ahaan.

Ericsson waxay leedahay boqolkiiba konton shirkadda Sony Ericsson ,boqolkiiba kontonka kalana waxaa leh shirkadda Sony oo dalka Japan laga leeyahay.

Afartii bilood oo ugu danbeeysey, Sony Ericsson waxay iibisey 14,1 malyan oo taleefoono moobiil ah, tiradaas oo kor u kacdey boqolkiiba labo ,marka la barbardhigo moobiiladdii ay shirkaddaani iibisey sanadkii hore isla waqtigaan.

Shirakadda Nokia oo iyaduna taleefoonadda ka ganacsata, ayaa shaley sheegtey in ay khasaartey lacag dhan 9,4 malyan oo karoon afartii bilood oo la soo dhaafey.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".