Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Sverigedemokraterna

Kulan sanadeedkii xisbiga Sd

Publicerat måndag 19 oktober 2009 kl 12.21
Partiledare Jimmie Åkesson. Foto: Björn Lindgren/Scanpix.

Xisbiga xagjirka ah ee Sverigedemokraterna ayaa shir sanadeedkiisii ku qabsadey gobolka skåne, kuna cadeeyey in siyaasadda qaxootiga dalkaani ay aasaas u tahay siyaasadda xisbigoodu doorashada soo socota ee dalkaan 2010 ka dhici doonta, uga qaybgalayo.

Qaar bulshada ka mid ah oo fikradahooda wax laga weydiiyey xisbigii ay u codeeyn lahaayeen hadeey maanta doorasho dalkaan ka dhacdo,ayaa xisbigaani wuxuu soo dhaafey xeeyndaabkii tirada xubinimadda xisbiyaddu ku galaan baarlamaanka dalkaan,taas oo ah boqolkiiba afar.

Hogaamiyaha xisbigaan Jimmie Åkesson ayaa bogga doodaha ee wargeeyska Aftonbladet, wuxuu maalintii isniinta ee bisha oktoobar ahayd 19-ka 2009 ku qorey ,in diinta islaamku tahay cadowga ugu weyn ee uu dalkaan Iswiidhan leeyahay laga soo bilaabo xilligii dagaalkii labaad ee adduunka.

Qareemo badan oo uu wargeeysku la hadley ayaa qoraalkaas ku macneeyey mid ku sifoobey in bulshooyinka laga tiradda badan yahay laga sheego warar kutiri kuteen ah.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".