Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Gör större förlust än väntat

Swedbank iyo dhaqaalihiisa

La daabacay tisdag 20 oktober 2009 kl 12.17
Xafiis uu bankiga Swedbank ku leeyahey Taaliin. Foto: Christer Fridén/SR.

Bankiga lagu magacaabo Swedbank, ayaa ugu horreeyntii soo saarey bankiyada dalka ka jira warbixintiisa la xiriirtey saddexdii bilood ee ugu dambeeysey xaaladda dhaqaale ee bankiga, iyadoona ey warbixintaa ku caddeeyd dhaqaalaha bankiga oo aad hoos ugu dhacey sidii la filayeyba. Middaasina oo ey u dheertahey walwalka dhaqaalaha liita ee carriga Baltikum-ka.

Waxaa sidoo kale toddobaadkan gudihiisa la filayaa iney iyaguna kuwooda ugu waaweeyn shamdadaha goobaha ganacsiguna soo bandhigaan xaaladdooda dhaqaale ee saddexdii bilood ee ugu dambeeysey, halkaasina ey ku caddaan doonto xaaladda dhaqaale ee ganacsiga warshadaha dalku ku sugan yihiin, iney hoos u dhaceen iyo in kale.

Bankiga Swedbank ayuu dhaqalihiisu hoos u dhacey sida warbixinta ku cad 2,6 milyaard, waana dhaqaale ka sarreeya kii la saadaalinayey ee 2,2 milyaard.

Waddammada dhaca carriga Baltikum ayuu bankigu ku waayey dhaqaale gaarsiisan 3,3 milyaard, halka uu waddammada Ukraa’iina iyo Ruushka ku waayey 2,7 milyaard, iyadoona uu bankigu macaash ku heley hoowlihiisii la xiriirey dhaqaalaha ee Iswiidhen.

Marka loo barbar dhigo bilihaa oo kale ee sannadkii tagey 2008 wuxuu bankigu soo galey macaash gaarsiisan 3.1 milyaard ee koronka iswiidhishka.

Agaasimaha guud ee Swedbank Michael Wolf, ayey ula muuqataa iney soo ifbaxayaan ifafaalo wanagsan ee la xiriira dhaqaalaha bankiga, marka laga hadlayo dalka gudihiisa iyo waddammada ey jaarka yihiinba ee bankiguna ganacsi ka wado.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".