Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Kyrkomötet och vigselrätt

Kulanka hoggaanka sare ee Kaniisadda

La daabacay onsdag 21 oktober 2009 kl 15.37
Hoggaanka sare ee Kniisadda oo u codeeyn doona nikaaxa dadka isku jisniga ah.

Maalinta Khamiista taariikhduna tahey 22-ka bisha Oktoober  ayey kulan isugu iman doonaan magaalada Uppsala hoggaanka sare ee kaniisadda Iswiidhen si ey go’aan uga gaaraan siyaasadda Kaniisadda ee la xiriirta guurka dadyoowga isku jisniga ah, marka laga hadleyo haween haween guursada ama rag rag guursada.

Horraantii bishii Maajo ee sannadkan ayuu baarlamanka dalkan Iswiidhen go’aan ku gaarey sharci amuurtaa la xiriira iyo inaan la kala qoqobin cidda is guursaneeysa haddey noqon lahaayeen lab iyo dheddig ama dadyoow isku jisni ah. 251-ka xubnood ee maamulka ugu sarreeysa ee Kaniisadda ayey badankood qabaan codeeynta berrito iney go’aanka baarlamanku horey u gaarey mid la mid ah ey u codeeyaan. Su’aasha uu berito maamulka sare ee Kaniisaddu u codeeyn doono ayaa ku saleeysan haa ama maya iney cid walba isku nikaaxsan karto Kaniisadda iyada oo aan loo aabayeeleeyn jisniga ruuxa, islamarkaana Kaniisaddu ogolaansho noocaasiya ka dalbato dawladda

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".