Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Privatekonomi 2010

Dhaqaalaha qofka iyo sanadka 2010-ka

Publicerat tisdag 5 januari 2010 kl 14.14
Foto: Anders Wiklund/SCANPIX

Xeerar iyo sharciyo raad ku yeelanaya dhaqaalaha iyo dakhliga qofka soo gala ayaa dhaqangalaya sanadkaan 2010-ka.

Waxaana sharciyadaas ka mid ah iyadoo qiyaastii 200 oo karoon canshuurta laga dhimayo dadka shaqeeya,inkastoo taaasi ku xiran tahay mushaarka qofku qaato iyo kummuunka uu qofkaasi dagan yahay oo uu canshuurta ka bixiyo.

Dhanka kale maadaama bangiga dhexe ee Iswiidhan uusan wax ka badalin lacagta dulsaarta ama ribada,waxaa la filayaa in ribada ama dulsaarka saaran deymaha guryuhu ay sideeda ahaan doonto oo aysan waxba iska badali doonin lixda bilood ee fooda ina ku soo heeysa.

Dadka hawlgabka ah ayaa wax yar iyagana laga dhimayaa canshuuraha inkastoo dhanka kale hoos loo dhigayo mushaarada ay qaataan dadkaas hawlgabka ahi.

Tusaale ahaan qofkii hawlgab ah oo qaata lacag dhan 12 000 oo karoon ayaa waxaa mushaarkiisa laga dhimayaa lacag dhan 450 karoon inta aan la canshuurin ka hor.

Daymanka waxbarashada loo qaato ee loo yaqaano studiemedel-ka ayaa ardada qaadata loo siyaadin doonaa sanadkaan,waxaana loogu dari doonaa lacag dhan 350 karoon.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".