Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Pensionerna minskar

Dhaqaalaha hoowlgabka oo hoos u dhacay

Publicerat fredag 8 januari 2010 kl 12.44
Snart kommer årets pensionsbesked.

Toddobaadka foodda innagu soo haya ayey heyadda qidmadda hoowlgabka ee afkan iswiidhishkana lagu yiraahdo Pensionsmyndighet ay warbixin u diri doontaa la xiriirta sidii caadaduba ahayd xaaladda dhaqaale ee dadyoowga hoowlgabka iyo kuwa maalgashada dhaqaale hoowlgab. Waraaqaha loo diri doono dadyoowgaa ayaa la saadaalinayaa in aanay ku oolin warbixinno farax geliya ee sannadka 2010. Olle Settergren, waa madaxa laanta horumarinta ee heyadda hoowlgabka.

- Dhammaan waxey dadkaasi heli doonaan dhaqaale hoowlgab oo ka liita, hase yeeshe dhammaantood ma wada heli doonaan dhaqaale ka liita hoowlgab marka cashuurta laga jaro sannadada foodda innagu soo haya.

Sannadkii ina dhaafay ee 2009, ayuu hoos u dhacay qiimaha mushtarka, kaasina oo saameeyn ku yeeshay dhaqaalihii taakuleynta ardayda iyo midka dadyoowga hoowlgabka. Iyadoona dadyoowga qaata dhaqaalaha hoowlgabka ee aasaasiga ah uu gaarsiisnaa lix kun oo koronka iswiidhishka bishii, wuxuuna dhaqaalahoodu hoos u dhacay 0,9 boqolkii waana marka loo barbardhigi sannadkii ina dhaafay ee 2008. Amuurtaa ayay sidoo kale ka siman yihiin dhaqaalaha kaalmada dhaqaale ee kirada guryaha hoowlgabka lagu kabo, waa kuwooda qaata dhaqaale ka hooseeya 10 000 oo kronka iswiidhishka ah.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".