Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Positiv särbehandling

Go'aan wax laga badali doono

Publicerat tisdag 12 januari 2010 kl 11.09

Wasiirka tacliinta sare Tobias Krantz, ayaa sheegey in dawladda uu xubinta ka yahay go’aansatay baabi’inta go’aanka positiv särbehandling ee ragga ama haweenka ku yar waaxaha jaamicadaha lagu siinayo suurtagal in la hormariyo, kolka jaamicaddu arday qaadanayso iyadoona aan loo eegeeyn natiijada ay ardaydu wadato, sida ku caddeeyd maqaal lagu daabacay wargeeyska maalinlaha ee Dagens Nyheter.

Dhowaantan ayay maxkamadda rafcaanka ee Svea Hövrätt u xukuntay gar magdhow ah, maadaama boosaskii jaamicadda culuunta xoolaha ee ay xaqa u lahaayeen 44 hablood la siiyay rag. Jaamicadda ayaa ku macneeysay inay haweenku aad uga badan yihiin ragga, sidaa daraadeedna loo qaatay.
Wasiirka ayaa ku macneeyay in go’aankaasi aannu ahayn mid cadaalada ku saleeysan, iyadoona ay habluhu weliba siteen shahaadooyin ka sareeya ragga.
Fikirkan ayaa markiisii horeba la xiriiray sidii jinsiyadaha leeysugu dheelitiri lahaa. Iyadoona ay dawladda maamulka dalka haysaa ku talo jirto inay dirto dhowaantan dalabyo talo bixin sidii wax looga bedeli lahaa siyaasadda maamulka goobaha tacliinta sare ee ammuurtaa la xiriirta.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".