Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Familjåterförening och Röda korset

Laanqeeyta Cas oo joojisey lacagihii safarka qoysaska la isugu keeni jirey

Publicerat fredag 15 januari 2010 kl 16.53
Foto: Khalil Hamra/Scanpix.

Ururka Lanqeeyrta Cas (Röda Korset) ayaan mar danbe lacagaha safarka ka caawin doonin qaxootiga dalkaan oo raba in ay keensadaan lana midoobaan qooysaskooda.Ururka ayaa sheegey in xaalad dhaqaale oo aad u adagi la soo daristey ururkooda.

Eva Hagberg oo iyadu ah madaxa laanta ururkaas laanqeeyrta cas u qaabilsan arrimaha qaxootiga ,ayaa sheegtey in ururku sii wadi doono taageeridda qooysaska leysu keenayo laakiin wadooyin kale oo cusub loo mari doono xallinta dhinacyada dhaqaalaha ama lacagaha la xiriira.

Ururka laanqeeyrta cas wuxuu bilaabey hawshaan caawinta isu keenidda qooysaska kala maqan bartamihii toddobaataneeyaddii qarnigii la soo dhaafey.

Waxaa ka mid ah waxyaaha ururka laanqeeyrta casi ku fakarayo si uu u xaliyo helidda lacago dadkaas soo galootiga ahi  eheladooda ku keensadaan,in dadyoowga ehelkooda keensanayaa ay ka dalbadaan lacag deyn ah oo aan ribo saarneeyn bangiga loo yaqaano JAK oo isagu ah bangi macaamiishiisa amaahiya deymo aaysan wax riba ahi saarneeyn laakiin isla waqtigaas waxaa lag rabaa  qofka amaahdaas qaadanayaa in uu qadar lacag ah ku keedsado isla bangigaas JAK.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".