Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Bemanningsföretag

Shirkadaha shaqaalaha kireeya

Publicerat måndag 18 januari 2010 kl 11.24

Waxaa aad kor ugu kacay sannadihii ugu dambeeyey tirada shirkadaha kireeya shaqaale, iyadoona ay iminka marayaan 60 kun halka ay sannado hortood tiradaasi gaarsiisneeyd 20 kun oo keliya.

Middaa ayaa sida la sheegey ay ugu wacan tahay iyadoo ay kor u sii kaceen masuuliyiinta madaxda goobaha shaqa bixintu inay shaqaale ka soo kireeystaan shirkadaha. Kororka shirkadahan kireeya shaqaalaha ayay dood ballaaran ka aloosan tahay, iyadoona la filayo in ay noqoto su’aal weeyn kolka la isugu yimaado si loo cusbooneeysiiyo heshiiskii ay wada gaareen ururka shaqaalaha ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano LO iyo ururka shaqa bixiyeyaasha. Ururka LO ayaa dhaleeceeyay shaqa bixiyeyaasha shaqaalaha erya, islamarkaana isla shaqaalihii ka soo kireeysta shirkadahaa.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".