Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Det våras för ekonomin

Dhaqaalaha Iswiidhan oo soo hagaagaya

Publicerat fredag 22 januari 2010 kl 11.23

Wasiirka maaliyadda dalkaan Iswiidhan Anders Borg ayaa sheegey in ay jiraan calaamado muujinaya in dhaqaalaha dalkaan Iswiidhan bilaabey in uu dib u soo kabto.

Wasiirka ayaa sheegey in dhaqaalaha dalkaan aysan jug weeyni soo gaarin marka loo barbardhigo kuwa dhigiisa ah oo kale,xataa dawladu sidii ay ka baqeeysey wuu ka fiican yahay.

Shaqa la'aantu uma kordhin ilaa iyo heerkii laga baqayey,sidoo kalana kharashka ku baxa dadyoowga jiran iyo kuwa hawlgabka gala iyagoo aan da'dii hawlgabnimada gaarin ayaa ka hoseeysa sidii markii hore la qiyaasayey.

Sida ay ka warisey wakaaladda wararka ee TT wasiirka maaliyadda Anders Borg ayaa qiyaasey in dhaqaalaha dalkaani  kobci doono sanadkaan qiyaastii boqolkiiba saddex,sidoo kalana uu kobci doono sanooyinka 2011-ka iyo 2012-ka in tiradaas ka sii sareeysa.

Bishii sebtember ee la soo dhaafey markii ay dawladdu soo gudbineeysey miisaaniyadda dalkaan ,waxay qiyaastey in dhaqaalaha dalkaani uu kobci doono sanadkaan 2010-ka qiyaastii 0.6% oo kaliya.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".