Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Oväder

Hawo wadata baraf iyo duufaan

Publicerat onsdag 27 januari 2010 kl 13.05
Hawo duufaan iyo baraf ay la socdaan.Foto: Johan Nilsson/Scanpix.

Hawo wadata duufaan qaboow iyo baraf ayaa soo wajahday dalkan Iswiidhen, hawadaasina oo ka soo jeedda jahada waqooyi galbeed.

Waxaa haddaba laga cabsi qabaa caqabado la soo gudboonaata waddooyinka gawaaridu ku safraan iyo sidoo kale iney duufaantaasi wadooyinka gooyso. Gaar ahaan waxaa la saadaaliyay in dhulka xeebaha ku yaal ey ku di'i doonaan baraf aad u fara badan gaarana saddex decimeter iyo dabeeylo xoogan. Carriga Lappland ayaa sidoo kale looga digayaa dufaan.
Heeyadda saadaalinta hawada ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano SMHI ayaa khatarta duufaanta iyo barafka ku qiyaastay digniin gaarsiisan darajada labaad dhammaan waqooyiga dalkan, halka magaalada Istockholmina khatarta duufaantaa lagu qiyaasay digniin gaarsiisan darajada koowaad, lana filayo inuu da’o baraf baaxaddiisu gaarsiisan tahay hal illaa laba decimeter.
Shirkadaha korontada ee Vattenfall iyo Eon ayaa heegan galiyey shaqaalahooda, si ay wax uga qabtaan haddii ay la soo gudboonaato caqabad koronto la'aan ah bulshada ku nool nawaaxiga waqooyiga dalkan Iswiidhen, qaasatan Västerbotten iyo Västernorrland

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".