Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
NY FART I BONUSDEBATTEN

Gunnooyinka dheeriga ah

Publicerat måndag 1 februari 2010 kl 09.55
Tomas Östros, afhayeenka dhaqaalaha ee xisbiga Socialdemokrat-ka. Foto / Scanpix

Waxaa lagu jiraa xilligii laga gudbi lahaa habka gunnooyinka dheeriga ah ee la siiyo madaxda shirkadaha, kuwaasina oo saldhig u ahaa biloowga xaaladda dhaqaale ee liidata ee caalamku ku sugan yahey, sidaa waxaa qoray afhayeenka dhaqaalaha ee xisbiga Socialdemokrat-ka Tomas Östros.

sidaa waxaa qoray afhayeenka dhaqaalaha ee xisbiga Socialdemokrat-ka Tomas Östros. Waxyaabaha uu siyaasigu soo jeediyay in la mamnuuco waxaa ka mid ah gunnooyinka isbedbedelku ku dhaco ee ay qaataan madaxda bangiyadu. Horraantii toddobaadkan ayuu bangiga Swedbank joojiyay dhammaan dhaqaalihii gunnooyinkaa ee uu ku talo jiray inuu bixiyo. Bangiga Nordea ayaa isagu ku talo jira inuu bixiyo gunno gaarsiisan saddex milyaard ee koronka iswiidhishka. Wasiirka dhaqaalaha ee dalkan Iswiidhen Anders Borg, ayaa go’aanka bangiga Swedbank ku tilmaamay go’aan wanaagsan ee indhaha lagu kala furo. Halka uu hogaamiyaha Investor Jacob Wallenberg ku eedeeyey siyaasiyiinta iyo dadka doodaha ka wada gunnooyinka dheeriga ah kuwo uga dan leh ismuujin.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".