Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Wallström FN

Wallström oo jago loo magacaabey

La daabacay måndag 1 februari 2010 kl 11.16
Margot Wallström

Margot Wallström oo horey intii muddo ah u ahaan jirtey xubinta dalkaan Iswiidhan u matasha golaha sare ee maamulka yurub,ayaa hadda waxaa loo magacaabey wakiilka gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabilsanaan doonta la socodka iyo kormeerka xaalka ay ku sugan yihiin haweenka ama dumarka iyagu ku dhexnool dalalka ay colaadaha iyo dagaaladu ka jiraan.

Xoghayaha guud ee qaramada midoobey Ban Ki-moon ayaa kaga dhawaaqey shir madaxeedka ururka midoowga Afrika kaas oo lagu qabtey magaalada Addis abeba ee dalka Itoobiya maalintii axadda,in jagadaas loo xuley in ay qabato Margot Wallström.

Dawladda dalkaan Iswiidhan ayaa iyadu Wallström u magacaawdey jagadaas.

Dagaalo badan oo dunida ka socda ayaa dumarka oo la kufsado iyo gacan ka hadal hubeeysan oo loo geeystaa ,ka mid yahay xeeladaha dagaalka oo goobahaas colaadeed laga adeegsado.

Ka dib markii jagadaas loo magacaabey ayey Margot Wallström sheegtey

in intii muddo ahba la lahaa in kufsiga iyo gacan ka hadalka colaadeed oo haweenka lagula kaco goobaha ay colaaduhu ka jiraan, yahay mid xiriir la leh dhaqanka dadyoowga iyo wadamada ay falalkaas guracani ka dhacaan ama ku kaca,laakiin waxaan ku celinayaa bey tiri hadal ay mar hore tiri wasiiraddii hore ee arrimaha dibadda dalka mareeykanku Madeleine Albright kaas oo ahaa in dhibta haweenkaas loo geeystaa aysan wax raad ah ku laheeyn dhaqan laakiin ay tahay fal-danbiyeed.

Margot Wallström ayaa intaas raacisey in xadgudubyadaas haweenka loogu geeysto dalalka colaaduhu ka socdaan, yahay fal-danbiyeed jabinaya xeerka caalamka oo dhan u dagsan iyo danbi dagaal oo la galey.

Xataa shaqaalaha ururka qaramada midoobey laftoodu kama digtoonaan ayey tiri iskamana fogeeyn falalkaas bahdilka iyo ku tacaddiga xanbaarsan ee lagula kaco haweenka ku sugan dalalka ay colaaduhu ka socdaan,waxayna tusaale ahaan u soo qaadatey dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo.

Ilaa iyo iminka lama oga waqtiga ay Margot wallström hawsheedaan bilaabi doonto laakiin war iyada lafteeda laga soo xigtey ayey ku sheegtey in muddo laba sano ah loo xadadey in ay heeyso mas'uuliyaddaas loo xilsaarey.

Margot Wallström waxay dhalatey sanadkii 1954-tii waxayna dalkaan Iswiidhan ka soo qabatey jagooyin kala duwan oo ilaa heer wasiir ah,ka hor intii aysan u wareegin in ay dalkaan Iswiidhan u matasho golaha sare ee maamulka ururka midoowga yurub,halkaas oo ay markii danbe ka gaartey jagada madaxweeyne ku xigeenka golaha sare ee ururka midoowga yurub.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".