Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Hetsig partilederdebbat

Dood dhexmartey madaxda xisbiyada

La daabacay måndag 1 februari 2010 kl 16.14
Foto: Maja Suslin/Scanpix.

Sanadkaan ayaa ah markii ugu horeeysey oo ay doorashda dalkaan Iswiidhan ku loolamayaan ama isku hardinayaan xisbiyo isu gaashaanbuureeysanaya laba garab siyaasadeed oo iska soo horjeeda sida ka muuqatey doodii shaley idaacadda la iska arko ku dhexmartey hogaamiyayaasha todobada xisbi oo iyagu xubnaha ku leh barlamaanka dalkaan Iswiidhan.

Waxyaalihii aadka looga doodey ayaa waxaa ka mid ahaa shaqa la'aanta iyo caymista dadyoowga jirada ku qoran taas oo kor u qaadey xamaasadda goobtii ay doodaasi ka dhaceeysey,waxaa kaloo iyana dood aad u kululi ka dhacdey arrimaha la xiriira faquuqa iyo siyaasadaha canshuuraha la xiriira.

Natiijadii doodaas warar badani kama soo bixin maadaama dad badani aysan arrintaas ka jawaabin.

Fredrik Rienfeldt ayaa waxyaalihii uu ku doodey waxaa ka mid ahaa

"Waxyaaha ay tahay in aynu hadda ka doodno waxaa ka mid ah wixii shaqo abuuri kara, jawaabta aanu arrintaas annagu u haynaana waa hawlgalinta oo siyaadey iyo dhimidda kharashka arrintaas ku baxa iyo in dadka boorsooyinkooda loogu dhaafo lacago dheeraad ah,marka waa maxay idinka jawaabtiinu?

Reysul-wasaare fredrik Rienfeldt oo isagu ah madaxa xisbiga Moodaraatka ayaa su'aalahaas u jeedinayey xisbiyada mucaaradka,markaas ka dib ayaa waxaa u jawaabtey Mona Sahlin oo iyadu ah hogaamiyaha xisbiga Sooshiyaal Dimuquraadiga,waxyna tiri:

"Runta ayaa ka hor imaaneeysa Fredrik Rienfeldt.Shaqo la'aanta ayaa maanta ku dhaw boqolkiiba sagaal,waana mid sii siyaadeeysa.Qiyaastii in ka badan 50 000 oo dhalinyaro ah ayaa shaqooyinkoodii waayey,haddana ah kuwa muddo dheer shaqo la'aa.Adiga iyo dawladdaadu waxaad mudnaanta siiseen in canshuurta laga dhimo dadka iyagu dhaqaale ahaan ladan taas oo aad ka dhinteen lacag dhan 20 milyaardar oo karoon.Falkaasi ilaa imisa shaqo ayuu abuurey?

Shaqa la'aanta kaliya ma aheeyn waxyaalaha ay labadaan garab ku kala duwanaayeen .

Canshuurta ayey aad ugu kala duwanaayeen labadaan garab.Xisbiyada mucaaradka ayaa iyagu sheegey in ay siyaadin doonaan canshuurta bisha April siiba tan laga qaado guryaha aadka u waaweeyn oo Vilooyinka ah.Waxa kaliya oo la hubaana waa canshuurta oo laga dhimayo dadka hawgabka ah taas oo ay aleeftey Mona Sahlin.

Caymiska dadyoowga jiran ayaa iyana aheeyd arrin kale oo dood badani ka dhacdey.

Waa maxay sababta qof qeeyb ahaan hawlgab ku qoran loogu khasbayo in uu shaqo buuxda qabto ayaa aheeyd su'aal la weeydiiyey Maud Olofsson oo ah hogaamiyaha xisbiga dhexe ee Center-ka,waxayna arrintaas uga jawaabtey :

Maya,laakiin waxaannu isku dayeynaa in aan dadka ka caawino sidii ay nidaamka shaqada dib ugu soo noqon lahaayeen,waxay kaloo ka hadashey in ay jiraan dad aan sanooyin badan wax xiriir ahba la laheeyn khasnadda caymiska ee Försäkringskassa.

Laakiin waxaa isla markiiba canbaareeyn kululi uga timid afhayeenka xisbiga cagaaran ee Miljöpartiet-ka,kaas oo yiri:

"waxaad doorashada ku gasheen in aad dhimeeysaan kala faquuqnaanta bulshada laakiin taas badalkeeda waad uga darteen oo dad badan oo jiran ayaad ka saarteen nidaamka caymiska jirada.Wuxuuna af-hayeenka  xisbiga cagaarani isweeydiiyey sababta lacagaha jirada lagu qaato siyaasad ahaan go'aanka looga gaarayo oo go'aankaas loogu deeyn waayey in hab caafimaad ahaaneed lagu gaaro.

Muna Sahlin ayaa sheegtey saddex arrimood oo kala ah :

In hadii xisbiyada mucaaradku ku guuleeystaan doorashada sanadkaan 2010-ka dalka ka dhici doonta ,ay dib u caymin doonaan 50 000 oo qof oo caymiska jirada laga saarey.

Lacago dheeraad ah in ay galin doonaan goobaha dadyoowgaas jiran lagu baxnaaniyo.

Dhinaca faquuqa dadyoowga sida dadka soo galootiga ah oo kale ,ayey Mona Sahlin sheegtey in ay ku xalin doonaan iyagoo lacago dheeraad ah ku caawin doona dagmooyinka ama kumuunada ay soo galootigu ku badan yihiin.

Björklund oo isagu ah hogaamiyaha xisbiga shacabka ee Folkparti-ga ayaa mar labaad soo cusbooneeysiiyey baahida loo qabo kor u qaadidda dadka soo galootiga ahi ay u leeyihiin luqadda Iswiidhishka iyo sidoo kale shaqooyin dheeraad ah oo loo abuuro dadkaas soo galootiga ah.

Doodaan ayaa muujisey in xisbiyada mucaaradku aysan ku mideeysneeyn laba arrimood oo kala ah Afqaanistaan iyo shahaadooyinka laga qaato iskuulada.Dhanka kalana xisbiyada talada dalka iminka haya ayaan isku raacsaneeyn arrimaha tamarta awooda korontada la xiriirta maadaama xisbiga dhexe ee Center-ka ,oo ay hogaamiyaha ka tahay Maud Olofsson uu gudihiisa khilaaf arrintaas ku saabsani ka jirto.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".