Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Läkardråp

Takhtar dacwo dila lagu soo oogey

Publicerat måndag 1 februari 2010 kl 15.49

Takhtar ka mid ah takhaatiirta ilmaha ee ka shaqeeysa isbitaalka Astrid Lindgrens barnsjukhus oo ku yaala degmada Solna ee magaalada Stockholm,ayaa maanta oo isniin ah waxaa la soo taagey maxkamad isagoo lagu soo oogey danbiga ah in lagu tuhunsan yahay in uu si kama' ah u diley ilma yar oo saddex bilood jir ah.

Arrintaas ayaa ka danbeeysey ka dib markii 20-kii bishii september ee sanadkii 2008-da ay ilma gabar ah oo dhicis ahaan ku dhalatey iyo waliba iyadoo wadnaha xanuun ku qabtaa,ay ku dhimatey isbitaalka

Astrids Lindgrens barnsjukhus oo dagmada Solna ku yaala.

Warbixintii laga soo saarey ka dib markii gabadhaas yar meeydkeeda la baarey ayaa lagu caddeeyey in gabadhaas yar la siiyey daawo aad uga tan badan intii ay aheeyd in la siiyo.

Danbi baaraha guud Peter Claeson ayaa sheegey in uu hayo caddeeyn muujineeysa in takhtarkaani shakhsi ahaan daawada sababtey geerida gabadhaas yar.

Sida laga soo xigtey danbi baare Claeson,ujeedada daawadaas dheeraadka ah gabadha loo siiyey ma aheeyn mid si khalad ah ku dhacdey ee waxay aheeyd mid loola jeedey in gabadha xanuunka looga khafiifiyo.

Waalidiinta gabadhaan dhaley ayaa booliiska u gudbiyey dacwo isbitaalkaas ka dhan ah iyo in ay sababeen geerida cunugtooda.

Arrintaan ayaa sababtey digtoonaan xoog leh iyo iyadoo dhalisey dood aad u balaaran.Ururka takhaatiirta ee dalkaan Iswiidhan ayaa isagu si weeyn u canbaareeyey habka caddaaladeed oo noocaan aha , iyagoona isla markaana xusey in takhtarka booliisku ku qabtey goobtiisii shaqada 2-dii bishii maarso ee sanadkii hore.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".